Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Golaha Madaxa bannaan ee Hore ula Baxay Golaha wada-tashiga iyo Toosinta qaranka, ayaa maanta ku dhawaaqay inay wax ka beddel ku sameeyeen magacoodda oo ay sheegeen inay shaki badan laga muujiyay.

Xasan-CiiseHARGEYSA (maantasomaliland):-Golaha Madaxa bannaan ee Madasha-Wada-Tashiga-iyo-ToosintaHore ula Baxay Golaha wada-tashiga iyo Toosinta qaranka,
ayaa maanta ku dhawaaqay inay wax ka beddel ku sameeyeen magacoodda oo ay sheegeen inay shaki badan laga muujiyay.

Golahan oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Huteel Xaraf ee Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay maanta laga bilaabo doorbideen inay magaca “Gole” dhinac kale uga wareegeen, maadaama ay xukuumaddu ka dhigtay inaan magacan cid aan Dastuuri ahayni la bixi Karin.

Mujaahid Xasan Ciise Jaamac oo xubin ka ah Golahan, ayaa isagu si rasmi ah ugu dhawaaqay inay la baxeen, Madasha wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka.

“Waxaanu Go’aansanay inaanu Eraygii Golaha Meesha ka saarno si aanu u diidno wax ay ku marmarsoodaan waxanu u bixinnay Madasha Wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka,”ayuu yidhi Xasan Ciise Jaamac.

Waxa kale oo iyaguna halkaa ka hadlay madax kale oo miisaan ku leh qaranka iyo Madashan wada-tashigaba, waxana ay ku dheeraadeen tallaabooyin qaldan oo ay xukuumaddani qaaday, kuwaas oo ay ka tilmaameen siyaasadda arrimaha Dibadda oo ay sheegeen in la marin habaabiyey oo laga leexiyey meeshii saxda ahayd.

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/xuseenxarbi@gmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com