Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Shir ay maanta ka wada qayb galeen Wasaaradda Duulista Hawadda iyo Gaadiidka Cirka Somaliland, maamulayaasha diyaaradaha iyo khabiirro wasaaradda Duulista ka caawiya arrimaha duulimaadyada ayaa isla meel dhigay waqtiga ay diyaaduhu Hargeysa ka bilaamayaan duulimaadyada.

Diyaaradaha-waaweyn-300x200HARGEYSA (maantasomaliland):-Shir ay maanta ka wada qayb galeen Wasaaradda Duulista Hawadda iyo Gaadiidka Cirka Somaliland, maamulayaasha diyaaradaha iyo khabiirro wasaaradda Duulista ka caawiya arrimaha duulimaadyada ayaa isla meel dhigay waqtiga ay diyaaduhu Hargeysa ka bilaamayaan duulimaadyada.

Maalintii sabtida ayaa madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland Md. Axmed Maxmed Maxamuud (Siilaanyo) uu xadhiga ka jaray madaarka caalamiga ah ee Igal International Airport, oo dib-u-habayn ballaadhan lagu sameeyey lagana dhigay madaar la jaanqaadaya kuwa caalamka ee dhigiisa ah.

Haddaba, kulankan ay maanta wada yeesheen Wasaarada Duulista Hawada iyo shirkadaha duulimaadyadda ayaa waxaa markii kulankaasi soo dhamaaday warbaahinta la hadlay Muniir Xaaji Abuu-site oo ah guddoomiya shirkada Daallo Airline, ayaa warbaahinta u sheegay in ay diyaarada ka dega waqtigan magaalada Berbera ay u soo wareegayaan madaarka caalamiga ah ee Igal International Airport, wuxuuna intaa ku daray in illaa laba todobaad lagu diyaarinayo sidii diyaaradda loogu wargelin lahaa in ay u soo wareegaan madaarka Hargeysa.

Wuxuu intaas ku daray in ay sharci caalamiya tahay in ogaysiis la siiyo diyaaradaha ay ku soo diyaar garoobaan taasoo ay isla waafaqeen Wasaaradda Duulista iyo Hay’adda duulimaadyada qarrammadda midoobey ee ICAO, isaga oo sheegay in Wasaaradda Duulista iyo Madaarka caalamiga ah ee Igal intoodaba ay diyaar u yihiin in shaqadu bilaamanto, balse ay imika ku xidhan tahay arrintu shirkadaha Diyaaradaha sidii ay u soo wareegi lahaayeen, waxaanu muniir bulshada u sheegay in ay maalmahaa kooban ee ay ku diyaar garoobayaan shirkadaha diyaaraduhu ay u samraan.Sidoo kale waxaa halkaas ka hadlay agaasimaha Duulimaadyada Siciid Mahdi Ileeye, oo isna sheegay in shirkadaha diyaaraduhu ay maalmo kooban ku diyaar garoobayaan sidii ay u bilaami lahaayeen duulimaadyada madaarka Hargeysa oo aad loo casriyeeyey, ayna madaarka ka soo degi karaan dhamman diyaaradaha ugu waaweyn aduunka.

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/xuseenxarbi@gmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com