Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Kooxda Arsenaal Dalab ay si lama Filaan ah dalab 20 milyan ginni uga gudbineyso ciyaaryahanka khadka dhexe ee Juventus Paul Pogba.

FOOTBALL : Juventus vs Benfica - Match Amical - 01/08/2012maantasomaliland):-Sida ay sheegeyso ITV warar soo baxaya ayaa tibaaxaya in Arsenal ay dalab ay si lama filaaan ah dalab 20 milyan ginni uga gudbineyso ciyaaryahanka khadka dhexe ee Juventus Paul Pogba.

20 jirkaan aadka loo qiimeeyo oo si wacan uga dhex muuqda Juventus islamarkaana mustaqbal weyn ku leh ayaa ah ciyaaryahankii ugu danbeeyay ee lala xiriiriyo Arsenal ka dib markii uu Wenger lagu eedeeyay inuusan koox dib u dhis ku sameynin.

Sida ay sheegeyso ITV Arsenal ayaa dooneysa inay ku soo jiidato da’ yarkaan balanqaad kubad joogta ah, laakiin xiddiga reer France ayaa ka mid ah hantida ugu qaalisan ee kooxda heysata horyaalka Serie A.

Arsenal ayaa isla maanta laga soo diiday dalab 10 milyan ginni oo ay ku doonayeen ciyaaryahanka khadka dhexe ee Newcastle United Yohan Cabaye.

Tababaraha kooxda Arsenal ayaa cadaadis kala kulmaya taageerayaasha kooxdiisa oo doonaya in Emirates Stadium la keeno ciyaaryahano waa weyn ka hor inta uusan xirmin suuqa

Abdikani kk

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com