Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Ururka Wadaniga ah ee VOSOMWO ayaa maanta qabtay kulan lagaga Doodayey caqabadihii ka horyimid Musharixiintii ka soo jeeday beelaha laga tirada badan yahay

Hargeysa(maantasomaliland):-Ururka Wadaniga ah ee VOSOMWO ayaa maanta qabtay kulan lagaga Doodayey caqabadihii ka horyimid Musharixiintii ka soo jeeday beelaha laga tirada badan yahay, ee isku soo sharaxay doorashadii golaha deeganka ee dalka ka qabsoontay,iyo sababta keentay in mid kali ahi uu ka soo bixi waayo 27musharax oo beeshasi ah, Kulankaasi ayaa waxa ka soo qaybgalay, Wasiir Ku-xigeenka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Marwo Shukri Xariir, Guddomiyaha Xisbiga ucid Eng.faysal Cali waraabe , Agaasimaha Guud ee wasarada Boosaha iyo Isgaadhsiinta Md.Faysal Cali sheikh, Guddomiyaha Ururka Wadaniga ah ee VOSOMWO Nimco Iid Salaan, Yusuf Kirix, Suldaan Naasir, Boqor Axmed iyo Masuuliyiin kale oo ay ka mid yihiin Xildhibaanadii aan soo bixin ee beeshasi iyo Aqoonyahano kale.
000

32

44

100
Kulankan lagaga doodayey Arrintaasi ayaa waxa maalgalisay Hay’ada NED, waxana lagu qabtay Hotel Safaari ee magaalada Hargeysa.Guddomiyaha Ururka Wadaniga ah ee VOSOMWO Nimco Iid Salaan oo ugu horeyn kulankaasi furtay ayaa faahfaahin ka bixisay ujeeda kulankan ay u qabteen waxay tidhi.“Ujeedada Kulankaani waa Siddii aynu u darasadeyn lahayn caqabadihii ka horyimid Musharixiintii ka soo jeeday ee beelaha laga tirro badan yahay, ee iska soo sharaxay doorashooyinkii golayaasha deeganka ee dalka ka qabsoontay, iyo casharada laga barankaro si looga gashaaman lahaa mustaqbalka danbe ee doorashooyinka soo socda, kulankani waxa uu la mid yahay kulamo xidhiidh ah oo aanu hore uga soo qabanay gobolada dalka, kuwaasi oo loogu kurgalayey sababihii ay u soo bixi waayen musharixinitii isa soo sharaxay, kuwaasi oo ka sharaxnaa gobolada dalka oo dhan, mudadii aanu wadnay ololahan ku saabsan wacyigalinta iyo ka qaybgalka siyaasada talada dalka, waxa noo qabsoomay waxyaabo badan, wax kalena way dhiman yihiin, waxyaabaha noo qabsoomay waxa ka mid ah dhinca waxbarashada, shaqada iyo isdhexgalka bulshada iyo ka qaybgalka talada dalka.”Ayey Tidhi. Guddomiyuhu waxa kale oo ay intaasi ku dartay. “xaga ka qaybgalka siyaasada waxa markii ugu horeysay isasoo sharaxay tirro gaadhaysa 27musharax oo ka sharaxnaa ururadi kala duwan ee dalka ka jiray, dhammaantoodan dadkaasina waxay ka soo jeeden beelaha laga tirro badan yahay, taasina waxay ina tusinaysaa in sarre uu u 3kacay hankoodii ka qaybgalka doorashada siyaasadeed ee talada dalka, lakiin
nasiib darro waxa dhacday in aanay cidina ku soo bixin dorashadaasi, taasina waa guuldaro la soo daristay beelaha laga tirro badan yahay, sidda aad ogtihiin 20kii sanno ee ay jirtay Somaliland beeshani waxay ka maqnayd golayaasha qaranka ee talada lagu gooyo, taasi waxa ka sii daran in 5shanta sanno ee soo socdana ay ka maqnaan donan golayaashasi oo aanay jirin cid matashaa, waxase inoo cadaatay in beelahani aan ku soo bixi Karin doorasho toos ah, waxayna u bahan yihiin saami kooto ku dhisan oo laga siinayo, golayaasha deeganka iyo barlamaankaba, anaga oo aad iyo aad u soo dhaweynayna qudbad sanadeedkii madaxweynuhu ka horjeediyey golayasha kaasi oo uu kaga hadleyey in dib loogu soo celiyo golayaasha kootadii beelahaasi, waxa kale oo aanu barlamaanka ka codsanaynaa in ay mar danbe kootadii ay soo celiyaan, oo marka ay hortimadan ay si dhakhso ah noogu ansxiyaan.”Ayey tidhi Guddomiyaha Ururku.

Wasiir Ku-xigeenka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Marwo Shukri Xariir oo kulankaasi ka hadashay ayaa sheegtay in Xukumada Somaliland ay diyaar ula tahay siddii beelaha laga tirro badan yahay u gacan qaban lahayd.

Waxayna tidhi “Runtii waa Guul aad iyo aad u weyn in tartankii doorashadii golaha deeganka ay ka qaybgaleen Beelaha lagatirro badan yahay iyo haweenku oo waliba si weyn uga qayb galeen, oo ay hankooda siyaasadeed dibada keenen, waayo maalinba waxbaa laga soo gudbayaa, xukumadani waa xukumad aad ugu jajaban, oo jecel in ay gacan qabasho u sameyso beelaha laga tirro badan yahay oo ay caawiso, waxa kale oo ay xukumadu diyaar u tahay in ay beeshani ka qayb qaadato meelaha siyaasada lagu gooyo, oo meel fiican ka gaadho Xukunka dalka..”Ayey tidhi.Agaasimaha Guud ee wasarada Boosaha iyo Isgaadhsiinta Md.Faysal Cali sheikh oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in kulankani uu yahay mid muhiim ah oo laga doodayo sababta ay u soo bixiwaayen Xildhibaandii ka sharaxnaa Golayaasha deeganka ee beelaha la hayb sooco, waxanu xusay in looga bahan yahay in ay isku tanaasulan si ay u soo baxaan wakhtiga doorashada.

Waxanu yidhi “Runtii farxad ayey noo tahay in aanu idin kala qaybqaadano Kulankan lagaga hadlayo Mustaqbalka dhinca siyaasada ee dadka lagu tilmaamo in laga tirro badan yahay,runtii xukumadani waxay diyaar u tahay siddii ay u gacan qaban lahayd dadkan oo ay isku barbartagi lahayd, dadkan cid u diidaysa in ay siyaasada wadanka ka qayb galan ma jirto, oo ay ciidamada ka mid noqdan oo ay wasarada ka hawlgalaan, lakiin dadaal ayaa loo bahan yahay.”Ayuu yidhi faysal

Waxa kale oo iyaguna halkaasi ka hadlay Suldaan Naasir iyo Boqor Axmed oo ka mid ah Salaadiinta Beesha la hayb sooco waxayna ka warameen sidda loogu bahan yahay in beeshoodu isku duubnaato, waxa kale oo ay hoosta ka xariiqeen in loo bahan yahay in wixii beesha dhexdeeda ee jiran la dhameeyo si ay wax ula qaybsadan beelaha kale, dhanka kale waxay Golaha barlamaanka ka codsadeen in ay meel mariyaan kootadii beeshasi uu madaxweynuhu ugu balan qaaday.

Yusuf Kirix cawad oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in loo bahan yahay in kooto kaar ah loo sameeyo Beeshaasi, waxa kale oo sheegay in beeshasi meel fiican marayso oo shaqaale badan shaqalisiyen oo ka mid ah beeshasi, Guddi uu ka mid yahay.

Guddomiyaha Xisbiga ucid Eng.faysal Cali waraabe oo isaguna kulankaasi ka hadlay ayaa waxa uu ka waramay Sidda uu u barbar tagan yahay Beelaha la hayb sooco isaga oo xusay wakhtigan ay marayaan meel aad u fiican.

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/xuseenxarbi@gmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com