Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Burco: Xafiisyada Dawladda oo haawanaya saacadaha shaqada

2Burco(maantasomaliland):- Gobolka Togdheer ayaa Mudooyinkii ugu danbeeyay gabi ahaanba ahaa mid aan shaqadiisu socon marka laga reebo shaqaalaha hoose ee xarunta, isla markaana aanay sooba toosin Madaxda ugu saraysa ee ee uu hormuudka u yahay badhasaabka Gobolka Togdheer Axmed Cumar X. Cabdilaahi(Xamarji) iyo ku xigeenkiisa, sidoo kale Xafiiska badhasaabka ayaa u ekaaday Goobaha Qashinka lagu ururiyo waxaana daaqada Xafiiska Badhashaabku fadhiisto dhooban in ka badan laba tan oo qashin ah oo ka kooban Caagadaha sharaabka, mooyo saxada iyo qashino kale oo is biirsaday, kuwaas oo aad dareemayso inay goobtaasi yaaleen muddo farabadan kuwaaas oo uu Badhasaabku awoodi kari waayay inuu iska rogada dawlada hoose ugu yeedho.

Xarunta maamulka Gobolka togdheer oo mudo sadex casho ah aanu ku noqnoqonaynay iyadoo sadexdaas cashoba inta u dhaxaysa 7 saac iyo tobanka 10:30 Barqanimo aanu Badhasaabka iyo ku xigeenkiisu midna fadhiyin xafiiskiisa, waxaanay ahayd in midkood laga helo xafiiska si aanay dadwaynuhu ugu soo lu Go’in xafiiska, waxaana xiliyadaas hor dhoobnaa dadwayne fara badan oo hawlo shaqo u lahaa, isla markaana waayay cid u shaqaysa , waxaanay cabasho ka muujiyeen qaabka shaqo ee xafiiska badhasaabka gobolka togdheer, iyagoo cod dheer ku tilmaamay inaan gabi ahaanba wax shaqo ahi xafiiska ka socon.

C/qaadir C/laahi Aw jirde oo ka mid ahaa dadkii faraha badnaa ee aanu ugu tagnay xarunta maamulka gobolka ayaa yidhi ”Waxaan u arkaa dadwayne loo shaqeeyo iyo shaqo ka socotaa midina inaanay jirin, waayo gobolku waa madaxii laga xukumayay gobolka iyo Degmadaba, isuduwayaasha iyo waaxyaha u jooga wasaraaradaha waxa ka war haya oo inuu ogaado ay ahayd Badhasaabka Gobolka Togdheer, iyadoo ay sabti tahay oo khamiistii iyo jimcihii fasax lahaa ayaa lagu odhanayaa Badhasaabkii iyo ku xigeenkii midna ma joogo, waa taas oo odoyaal iyo gaadiid cid waliba way hor dhoobantahay waaana tobankii subaxnimo waxaasoo dad ahina waxay u taagan yihiin in shaqadu kala socoto wax shaqo ahina kama socdaan dawladanina waxay tidhaahdaa wax baa la qabtay”

Oday magaciisa ku soo koobay Yuusuf oo isagana aanu kula kulanay Xarunta Gobolka waxa hadaladiisii ka mid ahaa “ilaa iyo 18 may ayaan ku soo noqnoqonaayay wax shaqo ah layma qaban muraadkii aan lahaa ilaa intaas wax laga qabtay ma jirto.” Ayuu yidhi

dhinaca kale xafiisyada laamaha dawlada iyo wasaaradaha oo aanu inta badan mid mid isu dul taagnay saaka(shalay) si aanu ugu kuur galo inay kasoo xaadireen madaxda iyo isuduwaayaasha wasaaradahaasi ayaa ahaa inta badan kuwo aanay kasoo xaadirin madaxdii iyo isu duwayaashii, waxaana ka mid ahaa wasaaradahaaanu booqanay intii u dhaxaysay 8:10 ilaa tobankii subaxnimo ee aanay joogin isu duwayaashoodii, wasaardaha dib u dejinta iyo wasaarada beeraha may joogin isu duwayaashoodii laakiin qaar ka mid ah shaqaalaha ayaa noo sheegay inuu hawl shaqo ku maqanyihiin ,wasaaradaha Maaliyada iyo degaanka ayaanu isna joogin isuduwahii wasaaradahaasi, Wasaarada caafimaadka ayaa iyana aanu xataa joogin qof shaqaale hoosaad ahi marka laga reebo inan xoghayn ah,wasaarada macdanata iyo biyaha oo aan wali gobol ahaan la kala saarin oo laba wasaaradood ah oo xafiisyadeeda uu joogay Waardiyihii oo kaliya, wasaaradaha qorshaynta, Ciyaaraha, ganacsiga ayaa isna albaabadu u laabnaayeen kuwaasoo ay ku xidhnaayeen qufulo waawayn oo aan beryahaas la furin, dhamaanba wasaaradaha aanu booqanay ayaa waxa kaliya ee uu isu duwaheedu ku sugnaa waa wasaarada wershadaha.
Goobaha shaqo ee aanu booqanay ee masuuliyiintoodu joogeen waxa ka mid ahaa Maareeyaha wakaalada biyaha iyo maayarka oo markaasi ku sugnaa xafiisyadooda.
waxaanay tani ka markhaati kacaysaa inaanay Bulshadu helin adeegii iyo shaqadii ay uga baahnaayeen laamaha dawlada, iyadoo inta badan xukuumada siilaanyo ku afgobaadsata inay bulshada wax badan u qabatay.

XIGASHO WAHEEN

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com