Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Muufo YarYar

Muufadu intabadan waxa lacunaa wakhtiga cashada.
Sida loo cunaana waxa la soo raaciyaa maraq iyo suqaar.
Ama sanuunad qoyan(biyuhu ku badan yihiin) waayo muufadu ayaa markaaba liqaysa.
Muus iyo saliid macsaro na dusha ayaa laga daraa.
Halkan hoose ka eego sida fudud ee loo samaynaayo muufada.

muufomuufo

 

Waxa loo baahanyahay:

daqiiqda samolina

1 malqaacad sonkor

1 malqaacadyar milix

2 malqaacadood yaryar bikin boodhe

1/4 koob saliid

1/2 koob caano

1 beed oo la qasay

 

Habka loo samaynaayo:

Madiibad ku shubo daqiiqda, bikinka, sonkorta, milixda.

Caanaha, saliida iyo beedka kudulshub oo isku walaaq.

Dabadeed xash oo waa in jilayc noqoto oo aanay isku dhegdhegin.

Daqiiqyar isticmaal hadii aad u baahato.

Dabool oo ilaa labaatan mirir iska dhig.

Lawax daqiiqda aynu xashnay, koob soo qaado dabadeed ku goo goo

adigoo sawirka dusha tusaale ka qaadanaya.

Kadib maqli(ka aan wax ku dhagin) kululee dabkana dhexdhexaad ka dhig.

Muufada dulsaar oo Ilaa intuu qaado maqligu.

Dhinac walba ilaa 4 mirir ku dub bilaa saliid.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com