Kooxda Arsenal Oo Hal Lug La Sii Gashay Wareega Group-yada Champions League Ka Dib Markii Ay Dardareen Fenerbahce.
maantasomaliland):-Arsenal ayaa hal lug la sii gashay wareega group-yada Champions League ka dib markii lugta hore ee isreebreebka ay 3-0 ku xaaqday kooxda Fenerbahce oo marti loo ahaa Istanbul, iyadoo Ramsey iyo Walcott ay ahaayeen xiddigaha garoonka.
Arsenal ayaa ciyaarta ku bilaabatay si fiican, iyagoo kubada inteeda badan heystay, laakiin waxa ay ku guuldareysteen inay qeybtii hore abuuraan fursado badan islamarkaana ka faa’ideystaan fursadihii ay heleen.
Halka Fenerbahce oo jamahiirteeda caawin badan ka helay ay ku jirtay iska caabin weyn islamarkaana ay awoodi weysay qeybtii hore inay abuurto hal fursad oo qaali ah.
Arsenal ayaa waxaa isla qeybtii hore dhaawac ka soo gaaray Koscielny kaasoo kab laga geliyay wajiga islamarkaana keentay in dhiig badan uu ka soo qubto islamarkaana qasabtay in la bedelo.
Inkastoo Koscielny uu ganaax kaga maqnaanayo Arsenal kulamada Premier League ka dib casaankii uu qaatay kulankii Aston Villa, hadana intii ay ciyaarta socotay waxaa ay Arsenal sheegtay in dhaqar weyn uu wajiga ka soo gaaray islamarkaana ay dhaqaatiirta ka tolayeen qodobo dhowr ah.
Waxaana qeybtii hore lagu kala nastay barbaro goolal la’aan ah, daqiiqadii 51aad ee qeybtii labaad ayayna Arsenal u suurtogashay inay hogaanka u qabtaan ciyaarta.
Ramsey ayaa kubad u dhex bixiyay Walcott kaasoo isna goolka hortiis baas u marsiiyay Gibbs oo isna saqafka kore ee goolka kubada ka geliyay goolka.
Labo daqiiqo ka dib Walcott ayaa u soo dhawaaday inuu u hogaanka u dheereeyo Gunners laakiin goolhayaha Fenerbahce ayaa ka beeniyay, iyadoo goolhayaha uu mar kale fursad kale ka beeniyay Wilshere.
Daqiiqadii 64aad ayayna Arsenal heshay goolkii labaad ee ciyaarta, Ramsey oo ahaa xiddiga garoonka ayaa kubad ku soo dhex qaatay khadka dhexe, waxaana uu shabaqa ka toogtay banaanka kore ee xerada ganaaxa, goolhaye Demirel ayaa faraha ku taabtay laakiin waa uu awoodi waayay inuu shabaqa ka celiyo taasoo ciyaarta ka dhigtay 2-0 oo Arsenal ay hogaanka ku heysay.
Mousa Sow ayaana isku dayay inuu kooxdiisa gool u soo celiyo isagoo labadoo jeer u dhawaaday goolka Arsenal, balse haleeli waayay inuu shabaqa soo taabto.
Fenerbahce ayaana xaalka uu ku sii xumaaday markii Kadlec uu qalad xerada ganaaxa dhexdeeda kula galay Walcott, waxaana uu garsooraha uu tilmaamay rigoore, waxaana u soo joogsady Olivier Giroud kaasoo gool u sarifay.
Waxaana ay ciyaarta ku dhamaatay 3-0 oo ay ku badisay Arsenal, kuwaasoo haatan hal lug sii gashtay wareega group-yada Champions League ka hor inta aysan isbuuca soo socda lugta labaad ku soo dhaweynin Fenerbahce garoonka Emirates.
Kulamada kale ee isreebreebka Champions League ee la ciyaaray kooxda Schalke oo marti loo ahaa ayaa barbaro 1-1 ah la gashay kooxda PAOK Thessaloniki FC.
Kooxda FC Basel ee dalka Switzerland ayaa guul weyn oo marti ah ka gaartay kooxda PFC Ludogorets Razgrad oo ay uga badiyeen 4-2.
Austria Wien ayaa fursadeeda ay ugu soo bixi karto wareega Champions League sarre u qaaday iyagoo 2-0 kaga badiyay Dinamo Zagbreb oo marti loo ahaa kuwaasoo casaan laga qaatay sidoo kale qeybtii labaad.
abdikani kk