Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Ciyaaryahanka lionel Messi Oo Shaki Uu Ku Jiro Kulanka Malaga Ka Dib Jug Ka Gaartay Muruqa Bowdada.

Lionel-Messi-2013-Full-HD-Wallpaper-5(maantasomaliland):-Barcelona ayaa xaqiijisay in Lionel Messi uu shaki ku jiro kulanka ay u safrayaan isbuuca soo socda Malaga, madaama jug ay ka soo gaartay muruqa bowdada.

26 jirkaan ayaa la bedelay ku dhawaaq xilligii nasashada ee qeybtii hore ee ciyaartii xalay ee lugta hore ee Supercopa de Espana ee ay la ciyaareen Atletico Madrid ciyaartaasoo ku dhamaatay barbaro 1-1 ah.

Mid ka mid ah baaritaanadii la sameeyay maanta ayay kooxda Catalan xaqiijisay in jug gudaha ah ay soo gaartay muruqiisa bowdada bidix.

Waxaana ay Barca sheegtay inay qiimeyn doonaan sida uu ciyaaryahanka u soo kabsado taasoo cadeyn doonta inuu ciyaari karo kulanka labaad ee horyaalka xilli ciyaareedkan.

Barca ayaa u safreysa habeenka axada La Rosaleda halkaas ay kula kulmayaan Malaga.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com