Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wargeysyada Yurub Iyo Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda.

Wargeysyada-1112111(maantasomaliland):-Maalin wanaagsan dhamaan akhristayaasheena meel kasta oo aad dunida ka joogtaan, waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa wararka xanta ah ee wargeysyada ka soo baxa Ingariiska, Spain iyo Talyaaniga ay ka qoreen suuqa kala iibsiga ciyaartoyda oo aan saaka indhaha soo marmarinay.

Xuquuqda wararkaan waxaa iska leh wargeysyada ama warbaahinta ku hor qoran, Laacib.net mas’uul kama ahan.

ENGLAND:

Real Madrid ayaa qarka u saaran inay dhameystirto heshiis 94 milyan ginni oo ay kula soo wareegeyso 24 jirka kooxda Tottenham Gareth Bale. Gudoomiyaha kooxda Spurs Daniel Levy ayaa heshiiskan kala hadlay kooxda reer Spain xalayto. (Daily Mail)

Real Madrid ayaa dooneysa inay Bale ciyaarsiiso kulankiisa ugu horeeya ee Bernabeu maalinta axada 1da September oo ay la ciyaarayaan kooxda Athletic Bilabo sababtoo ah ciyaartaas waxa ay soo galeysaa xilli hore oo adduunka intiisa badan laga daawan karo si ay u helaan daawashada ugu badan badan ee heerka caalami kulankiisa ugu horeeya ee Spain. (Daily Telegraph)

Chelsea ayaa loo sheegay inay rajo ka leeyihiin saxiixa weeraryahanka Man United 27 jirka Rooney, hadii kooxda heysata Premier League Man United ay hesho bedelkiisa. (Daily Mirror)

Man United ayaa filaneysa in Blues ay sarre u qaado inay Rooney ka dhigto mid aan caga badan ku taagneyn iyagoo dalab seddexaad ka gudbinaya. (Daily Telegraph)

Kooxda Faransiiska Paris St Germain ayaa laga yaabaa inay Arsenal ku garaacdo saxiixa ciyaaryahanka khadka dhexe ee Newcastle Yohan Cabaye, iyadoo kooxda Ligue 1 ka dhisan ay isku diyaarineyso dalab 20 milyan ginni ah. (The Independent)

Arsenal ayaa si aad ah uga fiirsaneysa inay dib u la soo wareegto 29 jirka burburiyaha khadka dhexe Mathieu Flamini, kaasoo kooxda tababar la qaadanayay 15kii maalmood ee u danbeysay tan iyo markii uu dhacay qandaraaskiisa AC Milan. (The Times)

Manchester City ayaa ku qasbanaan doonta inay bixiso 4.26 milyan ginni hadii ay doonayaan inay Atletico Madrid kala soo wareegaan xagaagan daafaca 32 jirka Martin Demichelis. (The Guardian)

West Brom ayaa kalsooni ku qabta inay dhameystiri karaan saxiixa xiddiga Man City garabka uga ciyaara 24 jirka Scott Sinclair 48da saacadood ee soo socota. (The Times)

Xabi Alonso oo 31 sanno jir ah ayaa la filayaa inuu garoomada ka maqnaado muddo seddex bilood ah ka dib dhaawac tababarka ku soo gaaray. Maqnaanshiyaha ciyaaryahanka khadka dhexe ee Real Madrid ayaa waxa ay dhaawaceysaa rajada ay Man United ka laheyd inay la soo wareegto Luka Modric. (Daily Express)

Chelsea ayaa ugu cadcad inay la soo wareegto daafaca ku jira xulka England ee da’dooda ka yar tahay 21 sanno Eric Dier, 19 jirkaan ayaa qandaraaska uu kula jiro kooxda Sportin Lisbon waxaa lagu burburin karaa 4.2 milyan ginni. (Daily Mail)

Arsenal ayaa u jeesatay inay soo xerogeliso xiddiga Real Madrid Karim Benzema iyagoo weli raadinaya gooldhaliye sarre. (Daily Mirror)

Liverpool ayaa diiday dalab 10 milyan ginni ah oo kooxda Talyaaniga ee Napoli ay ka soo gudbisay daafaca Martin Skrtel. (Daily Mail)

Emmanuel Adebayor ayaan dooneynin inuu ka tago Tottenham inkastoo tababare Andre Villas-Boas uu cadeeyay in 29 jirkaan uu dheeri ku yahay ciyaartoyda uu u baahan yahay ee White Hart Lane. (Daily Mirror)

ITALY:

Inter Milan ayaa diyaar u ah inay dalab ka gudbiso weeraryahanka kooxda Anzhi Makhachkala Samuel Eto’o, iyadoo isku dayaysa inay xiddiga reer Cameroon ku soo celiso garoonka San Siro. (La Gazzetta dello Sport)

Napoli ayaa la soo wareegtay weeraryahanka kooxda reer Argentina Estudiantes ciyaaryahan Zabata, iyadoo xiddigan reer Colombia uu haatan ku sii jeedo Italy si uu heshiiska u dhameystiro. (Corriere dello Sport)

Juventus ayaa la kulantay wakiilka ciyaaryahan Arturo Vidal iyagoo ka wadahadalay in heshiiska loo kordhiyo ilaa iyo 2018, waxaana heshiiskiisa qeyb ka ah sharuud aad u weyn oo dhanka mushaharka ah, ilaa iyo inta xiddiga reer Chile uu guulo gaarayo waa ilaa iyo inta mushaharkiisa loo kordhinayo. (Tuttosport)

Inter Milan ayaa ku dhow inay la soo wareegto ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda FC Porto Fernando, iyadoo ogolaansho ka heshay ugu danbeyn kooxda reer Portugal. (Tuttosport)

Kooxda Faransiiska ee Monaco ayaa sarre u qaaday doonisteeda ciyaaryahanka khadka dhexe ee Juventus Luca Marrone, iyadoo Bianconeri ay 23 jirkaan ku qiimeyneyso 10 milyan euro. (Sky Sport Italia)

Juventus ayaa u sheegtay Mauricio Isla inuu sii joogayo Turin, laakiin wakiilkiisa ayaan weli albaabka ka xiranin suurtogalnimada uu ugu wareegi karo Inter oo dooneysa. (Football Italia)

Palermo ayaa shaaca ka qaaday in koox Ingariis ah inay dooneyso inay la wareegto goolhayaha Talyaaniga Emiliano Viviano. (Sport Italia)

Iyadoo Milan ay weli ku dhibtooneyso inay CSKA Moscow ka hesho Keisuke Honda, waxa ay ka fiirsanayaan inay u dhaqaaqaan xiddiga LA Galaxy Landon Donovan iyo xiddiga khadka dhexe ee Ajax Christian Eriksen. (Football Italia)

Napoli ayaa dooneysa inay u dhaqaaqdo daafaca Arsenal Thomas Vermaelen ka dib markii uu burburay heshiiskii ay kula soo wareegi lahaayeen xiddiga Cagliari Davide Astori. (Radio Kiss Kiss)

SPAIN:

In si rasmi ah loogu dhawaaqo heshiiska ay Real Madrid kula soo wareegeyso Gareth Bale waxaa ka dhiman kaliya saacado. (Marca)

Fabio Coentrao oo codsaday xagaagan in la iibiyo ayaa lagu soo waramayaa inuusan qeyb ka aheyn heshiiska ay Madrid kala soo wareegeyso Tottenham xiddiga reer Wales Gareth Bale. (Marca)

Real Madrid ayaa ku qarashgareyn doonto Cristiano Ronaldo xili ciyaareedkiiba 35.3 milyan euro, marka uu saxiixo qandaraaska cusub ee kooxda, iyadoo mushaharkiisa loo labo jibaarayo madaama kala bar ay canshuur ahaan ku qaadaneyso dowlada Spain. (Cinco Dias)

Madaxweynaha kooxda Barcelona ayaa wax lagu qoslo ku tilmaamay wararkii shalayto soo baxayay ee sheegayay in Barcelona laga yaabo inay u dhaqaaqo goolhayaha Real Madrid Iker Casillas, isagoo ku tilmaamay wax aan dhici karin. (Sport.es)

Kooxda Faransiiska ee Paris Saint-Germain ayaa ka fiirsaneysa ciyaaryahankii ay u dhaqaaqi laheyd xiddiga garabka uga ciyaara Man United Nani ama kan Real Madrid Angel Di Maria. (Marca)

Barca ayaa la soo saxiixatay Denis Suarez, iyagoo da’ yarka khadka dhexe uu ka soo wareegay Man City, waxaana uu u ciyaari doonaa Barca B. (Mundo Deportivo)

Kooxda AS Roma ayaa dooneysa inay akadeemiga Barcelona kala soo baxdo 17 jirka reer Paraguay ee aadka loo qiimeeyo Tonny Sanabria, kaasoo isbuucii hore si wacan uga dhex muuqday kooxda Barcelona B (Sport.es)

Kooxda Espanyol ayaa dooneysa inay la wareegto da’ yarka kooxda Real Madrid Alex Fernandez, kaasoo u ciyaara kooxda juunyeerka Castilla balse diiday inuu qandaraaska u kordhiyo kooxda. (AS)

abdikani kk

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com