Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Xiddiga Marouane Fellaini ayaa doonaya inuu ka tago kooxda Everton kuna biiro Manchester United ka hor inta aan sare loo qaadin qiimihiisa sanadka soo socda.

Fellaini(maantasomaliland):-Xiddiga Marouane Fellaini ayaa doonaya inuu ka tago kooxda Everton kuna biiro Manchester United ka hor inta aan sare loo qaadin qiimihiisa sanadka soo socda.
Xiddigan qadka dhexe ee reer Belgium ayaa waxaa haatan lagu qiimeeyey wax ka badan 23-milyan, waxaa lagu diiday Fellaini iyo saaxiibkii Leighton Baines adduun dhan 28-milyan bilowgii todobaadkan.
Kooxda Everton ayaan dooneyn inay ka iibiso xiddigeeda tababareheedii hore ee David Moyes, balse United ayaa ku dagaalamaysa inay soo xero galiso saxiixeedii ugu horreeyey ee wayn xagaagan.
Si kastaba, Sportsmail ayaa fahansan in Fellaini uu doonayo inuu helo fursad uu kaga mid noqdo kooxaha sare ka hor koobka adduunka xagaagan.
Fellaini ayaa ka cabsi qaba xilli ciyaareed lagu guulaystay xagaagan uu ku riixi karo inuu sare u sii qaado lacagaha lagu doonayo ee xagaaga dambe, waxayna noqoneysaa waqtigiisii ugu fiicnaa haddii uu ka soo tago garoonka Goodison Park waqtigan, wuxuuna dareemayaa in shantii sano ee uu la soo joogay kooxdan uu adeeg fiican u qabtay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com