Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

6-Cayaaryahan oo bad baadin karaan kooxda Arsenal hadii macalin Wenger uu lasoo saxiixdo

arsene_wenger-heureux(maantasomaliland):-Suuqa horyaalada Yurub lagu kala iibsado wuxuu xirmi doonaa labo todobaad kadib balse ilaa haatan naadiga Arsenal ma aysan soo iibsanin cayaaryahan tayo wanaagsan sidoo kalena kooxdan dhibaato cayaartooy yari ah ayaa soo wajahday madaama ay ka dhaawacan yihiin inta badan xidigaha ugu muhiimsan kooxdan sidaa darteed taageerayaasha daacada u ah Gunners-ka waxay cadaadis ku saarayaan macalin Arsene Wenger inuu cayaartooy tayo wanaagsan usoo iibiyo hadaba Wenger dhaq dhaqaaq uma yaro wuxuuna haatan diirada saartay sidii uu kusoo xero galin lahaa 6-cayaaryahan oo hoos ku qoran waxayna kala yihiin:

Goolhaye: Ali Ahamada (Toulouse) xidigan wuxuu ka tirsan yahay xulka France ee da’dooda ka hooseyso 21-sano waana goolhaye tayo wanaagsan wuxuuna u badali karaa ojciech Szczesny oo xaalkiisa wanaagsaneyn, waxayna Arsenal ku heli kartaa 10-milyan oo pound.

Maxaa la filaan karaa: waxaa suura gal ah in Arsenal ay iska dhaafto goolhayahan dhalnta yar qaab amaahna kusoo qaadato goolhaye Julio Cesar maalinta uu suuqa Yurub xirmi rabo.

Daafaca: Toby Alderweireld (Ajax), madaama Arsenal inta badan daafacyadeeda ay ka dhaawacan yihiin aadbay ugu baahan tahay inay lasoo saxiixato 24-jirkan tayada wanaagsan waxayna ku heli karaa 8-milyan oo pound.

Maxaa la filan karaa: waxaa suura gal ah in Arsenal ay iska dhaafto daafacan lana soo saxiixato Ashley Williams oo ka tirsan naadiga Swansea City.

Oliver Sorg (Frieburg): 20-jirkan ka tirsan xulka Jarmalka ee da’dooda ka hooseyso 21-sano wuxuu ka mid yahay 50-cayaryahan ee ugu wanaagsan caalamka gaar ahaan kuwa dhalinta yar waxayna Arsenal ku qaadan kartaa 10-milyan oo pound.

Maxaa la filan karaa: in macalin Wenger uu ka laba labeeyo lacagta xidigan la dhil dhigay ugu dambeyntiina naadiga Dortmund uu ku biiro.

Khadka dhexe: Fernando (FC Porto) tan iyo markii Arsenal uu ka tagay Alex Song ma helin kubad bur buriye tayo wanaagsan haatan macalin Wenger waxaa maskaxdiisa ka guuxayo sidii uu mashiinka naadiga FC Porto ula soo saxiixan lahaa, xidiga reer Brazil waxaa lagu qiimeeyaa 20-milyan oo pound.

Maxaa la filan karaa: waxaa suura gal ah in Wenger uu iska dhaafo kuba buriye xoogana uu saaro inuu lasoo saxiixdo laacib kubada hore u qaadi karo.

Arda Turan (Atletico Madrid): laacibka reer Turkey isaga ayaaba jecel ka cayaarista Premiership-ka wuxuuna ka mid yahay xidigaha ugu farsamada wanaagsan horyaalka Spain sidaa darteed siweyn ayuu uga dhex muuqan karaa shaxda macalin Wenger.

Maxaa la filaan karaa: in kooxda Liverpool ay ka dulqaado Arsenal madaama Reds diyaar la tahay inay bixiso 20-milyan oo ay Atletico ku dooneyso Arda Turan.

Weerarka: Luciano Vietto, waa 19-jir shabaxa saaxiib la ah waxaana lagu tilmaamaa inuu noqon doono weeraryahanka mustaqbalka Argentina ku tashan doonaan, haatan kooxda Racing Club ee ka dhisan dalka Argentina wuxuuna diyaar u yahay inuu qaarada Yurub usoo dhaqaaqo.

Maxaa la filaan karaa: in macalin Arsene Wenger uu ka shakiyo tayada xidigan kadibna uu amaah kusoo qaato Lacina Traore oo weerarka kaga cayaaro naadiga Anzhi.

abdikani kk

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com