Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Kooxda Liverpool oo aad ugu dhow inay heshiis la gaarto Kyriakos Papadopoulos

FC Schalke 04 v SV Werder Bremen - Bundesliga(maantasomaliland):-Naadiga ku cayaarto garoonka Anfield ayaa shaaca ka qaaday inay soo afjari rabto heshiiska daafaca xulka Greece iyo naadiga Schalke 04 Kyriakos Papadopoulos, waxayna 21-jirkan Liverpool ku qaadan rabtaa 13-milyan oo pound waanq qiimaha ay Schalke horey u sheegtay inay xidigan kaga samri karto, sidoo kale daafacan dhalinta yar waxaa dabagal ku hayeen naadiyada Arsena, Man United iyo AC Milan balse isaga ayaa shaqsi ahaantiisa doortay naadiga Liverpool madaama uu aaminsan yahay inuu Reds boos rasmi ah ka heli karo, Kyriakos Papadopoulos sanadii 2010 ayuu kooxda Schalke kusoo biiray wuxuuna markaas isaga soo tagay naadiga Olympiakos ilaa haatan 92-kulan oo Bundesligaha ah ayuu kooxdiisa u saftay sidoo kalena xulkiisa Greece 16-kulan ayuu u cayaaray, wargeska Daily Star ayaa ka dhawaajiyay in xidigan uu garoonka Anfield imaan doono axada nagu soo fool leh si uu tijaabo caafimaad u maro.

Macalin Brenden Rodgers ayaa sabab u ah in heshiiska daafacan lasoo dadajiyo waayo Liverpool waxaa ka dhaawacmay daafaceeda Sabestian Coates oo garoomada ka maqnaan doono mudo 6-bilood ah waayo xidigan dhalinta yar asigoo xulkiisa Uruguay u cayaarayo ayuu dhaawac halis ah jilibka kasoo gaaray waxaana lagu sameeyay qaliin sidaa darteed lixda bilood ee nagu soo fool leh garoomada laguma arki doono.

By Cabdi Kani

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com