Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga UCID Oo Beeniyay Warkii Sheegayay Inuu Is-Casilay Ku/xigeenka Xoghayaha Arrimaha Gudaha

ucidbuttonHargeysa(MaantaSomaliland)-Xoghayaha warfaafinta Xisbiga UCID oo beeniyay warkii shallay kasoo baxay ku xigeenka Xoghayaha arrimaha gudaha ee Xisbiga,kuna sheegay in lajabsaday Emailka Ku xigeenka Xoghayaha arrimaha gudaha. Halkan ka Akhriso warsaxaafadeed kasoo baxay xarunta dhexe ee xisbiga.

 

 

 

JAMHUURIYADDA SOMALILAND
REPUBLIC OF SOMALILAND

 

Xisbiga Cadaaladda Iyo Daryeelka
UCID
Justice and Welfare Party
حزب العداله والرأفة.

REF/UCID /22 /8/2013
Warsaxaafadeed
UjEEDO/WAR BEEN ABUUR AH
Aniga oo ah XOGHAYAHA WARFAAFINTA XISBIGA UCID waxaan Qoraalkeygan ku cadeynayaa in aaney Jirin warsaxaafadeed kasoo baxey Ku Xigeenka Xoghayaha Arimaha Gudaha Kaas oo caawa saxaafadu qortey,waxaa kale oo aan SHACBIGA S/LAND iyo SAXAAFADABA u cadeyneynaa in la jabsadey ACounkiisii uu gaarka ahaa ee uu isticmaali jirey
Ugu Danbeyntii waxaan Dhamaan SAXAAFADA ka codsaneynaa wararka sidaas oo kale ah in aaney qorin ilaa inta ay ka hubsanayaan qofka soo direy waayo waa la jabsan karaa,waxaana suurto gal ah in adiga oo gala internet suuqa ah oo aad adiga oo aan ciwaankaaga xidhin ka kacdo, dabadeed qof kale fadhiisto kaagii oo uu isticmaalo sidaa awgeed inaad hubisaan ayaan idin kula dar daarmayaa
Xoghayah Warfaafinta Xisbiga Ucid
Md Yusuf Keyse A/lahi

One Response to Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga UCID Oo Beeniyay Warkii Sheegayay Inuu Is-Casilay Ku/xigeenka Xoghayaha Arrimaha Gudaha

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com