Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa ka qayb-galay Aaska Marxuum Suldaan Barre Warsame Shirre oo shalay galab si heer qaran ah loogu aasay Magaalada Hargeysa.

-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa ka qayb-galay Aaska Marxuum Suldaan Barre Warsame Shirre oo shalay galab si heer qaran ah loogu aasay Magaalada Hargeysa.

Marxuumka ayaa xalay ku Dhintay Shil-gaadhi oo ka dhacay Dooxa weyn ee Dacar-budhuq oo Gaadhi ay wateen isaga iyo xubno kale oo Ergo nabadeed ugu baxay shaqaaqo ka dhacday deegaanka God-hareeri, oo Daad ku qaaday dooxaasi, kaasoo dadkii kale ee la socday ka badbaadeen, balse isaga Maydkiisa maanta laga soo heelay meel 20KM u jirta Magaalada dacar-budhuq oo Daadku geeyay.

Madaxweynaha ka sekow, waxa Aaska Marxuumka ka qayb-galay Masuuliyiin ka kala socda Goleyaasha siyaasadda, Madaxdhaqameedyada, culimo-awdiinka iyo dadweyne kale oo tiro badan, kuwaasoo qaar ka mid ah oo Warbaahinta la hadlay ka warameen taariikhdii Marxuumka iyo Kaalintii uu kaga jiray nabad-doonimada iyo ka shaqeynta samaanta Bulshada, iyagoo Ilaahay uga baryay inuu Janada ka waraabiyo qoyskii iyo dhamaan qaranka Somaliland ee uu ka geeriyoodayna samir iyo Iimaan ka siiyo.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo isaguna halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay in Suldaan Barre ahaa Nin Isin qaran oo baal-dahab ah kaga jiray hawlaha dhaqanka iyo nabadeynta, isla markaana uu ahaa shakhsi miisaan culus ku leh bulshada Reer Somaliland,lana ilaawi doonin.

Madaxweynuhu wuxuu Ilaahay uga beryay Marxuumka inuu janadii fardowsa ka waraabiyo intii uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.

Suldaan Barre Warsame shirre ayaa ka mid ahaa Hogaan-dhaqameedka Bulshada Reer Somaliland kuwooda ugu miisaanka culus.

xuseen xarbi
maanata somaliland.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com