Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Chelsea ayaa aaminsan inay ku guuleysteen tartanka loogu jiro saxiixa kubadsameeye Willian, iyagoo soo gabagabeynaya labo sanadood oo ay ciyaaryahanka doondoonayeen.

Willian-2205714(maantasomaliland):-Chelsea ayaa aaminsan inay ku guuleysteen tartanka loogu jiro saxiixa kubadsameeye Willian, iyagoo soo gabagabeynaya labo sanadood oo ay ciyaaryahanka doondoonayeen.

Blues ayaa heshiis la gaartay Anzhi waxaana ay bixin doonaan 32 milyan ginni iyadoo ciyaaryahanka la filayo inuu isbuuc dhamaadka tijaabada caafimaadka u maro islamarkaana heshiis shaqsi ah la gaaro Chelsea.

Markii Jose Mourinho la weydiiyay dhawaan shirkiisa jaraa’id in xiddiga reer Brazil uu doortay Chelsea, Mourinho oo madaxa ruxaya una muuqda inuu ku raacay hadalka wariyaha ayaa yiri:

“Durbaba go’aan ayuu gaaray” ayuu yiri Mourinho.

“Ma doonayo inaan hadlo ka hor inta aan waqtigeeda la gaarin sababtoo ah kubada cagta labo wajiile ayay kugu nqoon kartaa…

“Laakiin waan ogahay waxa uu uu rabo ciyaaryahanka, xilligan la joogana ma qarin karno inay suurtogal tahay inuu nagu soo biiro.”

Willain ayaa hore tijaabada caafimaadka ugu maray Tottenham islamarkaana heshiis shaqsi ah la gaaray, laakiin ugu danbeyn waxa uu doortay inuu Oscar, David Luiz iyo Ramires kula biiro Chelsea ka dib markii ay soo dalbadeen saacadii ugu danbeysay ka hor inta uusan heshiis u saxiixin Spurs.

Warkaan ayaa la filayaa inuu dib u dhigo heshiiskii uu Gareth Bale ugu biirayay Real Madrid madaama Spurs ay baadigoob u geli doonto bedelkiisa.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com