Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Harry Redknapp ayaa sheegay inaysan jirin sabab ay Tottenham uga bixi karto heshiiska uu Gareth Bale ugu biiray Real Madrid inkastoo Chelsea ay ka aduubatay Spurs saxiixa Willian.

Harry-Redknapp_31(maantasomaliland):-Harry Redknapp ayaa sheegay inaysan jirin sabab ay Tottenham uga bixi karto heshiiska uu Gareth Bale ugu biiray Real Madrid inkastoo Chelsea ay ka aduubatay Spurs saxiixa Willian.

Laakiin Rednapp ayaa qaba in Bale la’aantiis xitaa in Tottenham ay koox ahaan ka xoogan tahay kooxda ay ku xafiiltamaan waqooyiga London ee Arsenal, waxaana uu xitaa soo jeediyay inay u tartami karaan hanashada horyaalka Premier Legaue.

Markii la wax laga weydiiyay heshiiska Bale, tababarihii hore ee Spurs Redknapp ayaa u sheegay talkSPORT: “Taas waa hubaal waa ay dhaceysaa.”

“Haatan waxa ay qarashgareeyeen lacagtii oo dhan mana jirto hab ay uga bixi karaan heshiiskaas. Wiilkana waxa uu rabaa inuu baxo taasna waa ognahay inay xaqiiq tahay.”

Spurs ayaa si fiican uga dhex muuqatay suuqa kala iibsiga xagaagan iyagoo soo iibsaday xiddigo ay ka mid yihiin Paulinho iyo Roberto Soldado, waxaana haatan lala xiriirinayaa Erik Lamela.

“Spurs waxa ay soo iibsatay ciyaaryahano fantastik ah. Marka aad fiiriso kooxdooda waxaa ka buuxda tayo” ayuu Redknapp hadalkiisa raaciyay.

“Isma barbardhigeen labada kooxood ee Spurs iyo Arsenal haatan. Tottenham ayaase muran la’aan ka xoog badan.

“Mana jirto sabab aysan ugu tartami karin hanashada horyaalka. Waxa ay ku dhameysan doonaan afarta kooxood ee ugu sareysa horyaalka, yaase og markaas ka dib halka ay ku dhameysanayaan.

By Abdi Kani

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com