Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wargeysyada Yurub Iyo Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda.

Wargeysyada-1112111(maantasomaliland):-Maalin wanaagsan dhamaan akhristayaasheena meel kasta oo aad dunida ka joogtaan, waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa wararka xanta ah ee wargeysyada ka soo baxa Ingariiska, Spain iyo Talyaaniga ay ka qoreen suuqa kala iibsiga ciyaartoyda oo aan saaka indhaha soo marmarinay.

Xuquuqda wararkaan waxaa iska leh wargeysyada ama warbaahinta ku hor qoran, Laacib.net mas’uul kama ahan.

ENGLAND:

Milkiilaha Chelsea Roman Abramovich ayaa taleefan ku wacay dhigiisa kooxda Anzhi Makhachkala Suleyman Kerimov isagoo u gudbiyay dalab ah 32 milyan ginni oo uu ku doonayo 25 jirka Willian, isagoo isku dayaya inuu xiddiga reer Brazil ka horjoogsado inuu u dhaqaaqo Tottenham. (Daily Mirror)

Gudoomiyaha kooxda Tottenham Daniel Levy ayaa si aad ah uga careysan isku dayga ay Chelsea ku dooneyso Willian, waxaana uu xitaa diyaar u yahay inuu kansalo heshiiska 94ta milyan ginni ee ay Gareth Bale uga iibinayaan Real Madrid. (Daily Mail)

Bale ayaase laga yaabaa in la iibiyo ka hor inta uusan dhamaan isbuuca ka dib markii agaasimaha farsamada Tottenham Franco Baldini uu u duulay Madrid si uu u soo dhameeyo heshiiska, halka Spurs ay rajeyneyso inay soo gabagabeyso heshiiska ay kula soo wareegayaan 21 jirka kooxda Roma ee weerarka ka ciyaara Erik Lamela. (The Independent)

Tababaraha Liverpool Brendan Rodgers ayaa u diyaargaroobaya dalab xilli danbe ah oo ka yimaada Real Madrid oo ku aadan Luis Suarez, laakiiin waxa uu ku celiyay hadalkii milkiilaha ee ahaa in weeraryahanka reer Uruguay uusan iib aheyn. (The Guardian)

Liverpool ayaa sidoo kale ku dhow inay u dhaqaaqdo 16 jirka weerarka ka ciyaara ee reer Serbia oo u ciyaara Suarez kooxdiisii hore Groningen, waxaana lagu tilmaamaa Arjen Robben-ka cusub. (Daily Express)

Yohan Cabaye ayaa loo sheegay inuu sii joogi doono Newcastle United ilaa iyo koox ay ka soo gudbiso dalab 20 milyan ginni ah ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer France, xitaa hadii ay ka horjoogsanayaan doontistiisa ah in la iibiyo. (Daily Telegraph)

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Belgium Marouane Fellaini ayaa doonaya inuu ka tago Everton oo u dhaqaaqo Manchester United ka hor inta uusan qiimihiisa sarre u kicin sannadka soo socda. Kooxda Everton ayaa ciyaaryahanka ku qiimeyneysa in ka badan 23 milyan ginni. (Daily Mail)

Arsene Wenger ayaa diyaar u ah inuu suuqa kala iibsiga geliyo 90 milyan ginni, isagoo u dhaqaaqaya labada xiddig ee Real Madrid Karim Benzema iyo Angel Di Maria, isagoo ku dalabanaya labada ciyaaryahan 65 milyan ginni. ( The Sun)

SPAIN:

Heshiiskii Real Madrid iyo Tottenham ee Gareth Bale waa la gaaray, waxaana ay labada kooxood ku heshiiyeen 99 milyan euro. Xiddiga reer Wales waxa uu saxiixi doonaa heshiis lix sanno ah oo uu xilli ciyaareedkii ku qaadanayo 10 milyan euro. Waxaana uu noqon doonaa saxiixii ugu qaalisanaa abid taariikhda. (Marca)

Barcelona ayaa raadineysa inay la soo wareegto daafac dhexe oo da’ yar, waxaana diirada u saaran 22 jirka kooxda Porto Eliakim Mangala, 24 jirka Shakhtar Yaroslav Rakitskiy iyo 18 jirka PSG Marquinhos. (El Mundo Deportivo)

Atletico Madrid ayaa wax ka weydiin doonta Monaco suurtogalnimada ay kula soo wareegi karaan ciyaaryahankooda Toulalan, waxaana heshiiska macquul ka dhigi kara xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya labada kooxood. (AS)

Real Madrid ayaa laga yaabaa inay iska iibiso ciyaaryaahnka khadka dhexe Mesut Ozil oo 24 sanno jir ah hadii ay ku helaan 45 milyan euro. Xiddiga Jarmalka ayaa lagu soo waramayaa inuu ka walwalsan yahay inuu boos joogta ah waayo hadii Gareth Bale uu ka yimaado Tottenham. Man United ayaana xiiseyneysa. (Bild)

ITALY:

Inter Milan ayaa hogaanka u qabatay tartanka loogu jiro saxiixa weeraryahanka Anzhi Makhachkala Samuel Eto’o, iyagoo u soo bandhigaya xiddigooda hore heshiis labo sanno ah, waxaana ay sidoo kale isha la raacayaan weeraryahanka Juve Matri. (La Gazzetta dello Sport)

Juventus ayaa ka fiirsaneysa inay u dhaqaaqdo kubadsameeyaha kooxda AS Roma 27 jirka Marquinho, halka kooxda Roma ay idina qorsheyneyso inay u dhaqaaqdo xiddiga Fiorentina Adem Ljajic. (Corriere dello Sport)

Laakiin Juventus ay kaliya dooneysa ciyaaryahanka Napoli Zuniga, halka Marquinho uu u yahay qorshahooda labaad, madaama Conte uu si aad ah u doonayo xiddiga reer Colombia Zuniga. (Tuttosport)

AC Milan ayaa isku dayaysa inay soo xerogeliso xiddigii ay Napoli ku hungowday dhawaan ee kooxda Cagliari Davide Astori. (Tuttosport)

Juventus ayaan wax xiriir ah kala sameynin Parma saxiixa Jonathan Biabiany (Football Italia)

Weeraryahanka Napoli Goran Pandev ayaa iska diiday dalabyo uga yimid xagaagan labo kooxood oo Ruush ah. (Sky Sport Italia)

Ciyaaryahanka kooxda Milan Bakaye Traore ayaa ku sii jeeda Genoa, iyadoo heshiiska uu qeyb ka yahay in Valter Birsa uu u dhaqaaqayo dhanka kale. (Sky Sport Italia)

 

By Abdi Kani

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com