Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Ciyaaryahanka Mesut Ozil oo ku sii jeeda Manchester United mar haddii Real Madrid uu yimid Gareth Bale (Maxaa caddayn u ah?)

Mesut Ozil Wallpapers 2013 (4)(maantasomaliland):-Sida uu qoray Wargeyska ‘Bild’ ee ka soo baxa Jarmalka Xidigga Khadka dhexe ee Real Madrid Mesut Ozil ayaa isu diyaarinaya in uu ka tago kooxdiisa kuna biiro kooxda Manchester United ee waddanka Ingiriiska oo u soo bandhigtay lacag gaaraysa 38 Milyan oo Gini kaddib markii kooxda Real Madrid ay la soo wareegtay xidiggii Tottenham Gareth Bale oo berri si rasmi ah u saxiixi doona heshiiskiisa cusub.
Wargeysku waxa uu intaa ku daray in Ozil oo 24 jir ah sababaha uu uga tegayo naadiga ay tahay isagoo doonaya in uu sii xajisto booskiisa joogtada ah ee xulkiisa Jarmalka ee Koobka Adduunka 2014 ee Brazil xilli ay soo kacayaan dhallinyaro badan oo Jarmal ah oo Booskiisa oo kale ka ciyaara, haddii uu keydka ka galo naadigiisana ay adag tahay sida uu booskaasi ku adkeysto.
Dhinaca kale Barnaamijka ‘Punto Pelota’ ee Spain ayaa isna shaaciyay in sidoo kale Laacibka kale ee Khadka dhexe ee Real Madrid Luka Modric uu isna ka mid yahay laacibiinta booskooda weyn doona haddii uu Bale ku soo biiro naadiga.
Wararkii ugu dambeeyayna waxay sheegayaan in labadaasi ciyaartooy ee Ozil iyo Modric dalabyada soo gaarayaa ay ugu horreyso kooxda Manchester United oo suuqa ka baadi goobaysa laacib Khad Dhexe oo magac weyn.

By Abdi Kani

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com