Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Kooxaha Aston Villa vs Liverpool Wax walba oo aad uga baahan tahay kuanka

Aston-Villa-v-Liverpool-(maantasomaliland):-Kooxda Reds ayaa dooneysa in ay gaarto guul muhiim ah si ay ugu socdaan heer fiican bilawga

Premier League Aston Villa Kooxda ka dhisan magaalada Brimingham ayaan heli doonin xidigeeda Charles N ,waxaana shaki laga qabaa caafimaadka Chris Herd iyo Nathan Baker.

Aston Villa ayaa gool dhalineysay ciyaar walba oo ay ku ciyaartay gurigeeda 11-kii kulan ee ugu dambeysay Premier League .

Villa ayaa adkaatay halmar oo qura 15-kii kulan ee ugu dambeeysay oo ay ka hor tagtay Liverpool ,waxaana laga adkaaday 9 jeer halka 5 kulan ay bar bar dhac ku dhamaatay.

Christian Benteke ayaa sadex gool ka dhaliyay Liverpool xagagii hore kulamadii labada koox ,waxaana uu ka badanaa xidigihii kale ee ka hor tagay Liverpool.

Benteke ayaa dhaliyay 8 gool ,sideedii kulan ee ugu dambeysay ee uu ku ciyaaray Villa Park.

Liverpool

Kooxda Liverpool ayaa dhawac uu ka soo gaaray Sebastian Coates kaas oo labadinaayo in uu ka maqnaado ciyaartan , waxaa sidoo kale shaki la galinaaya Martin Skrtel halka Luis Suarez uu ku maqan yahay ganaax.

Kaliya Manchester United ayaa ka sareysa Liverpool marka loo eego kulamada lagu soo badiyo Villa Park waxaana United ku soo badisay 13 kulan halka Liverpool ku soo badisay 10 kulan.

Reds ayaa dhalisay 5 gool oo kaliyay 14-kii kulan ee ugu dambeyay oo ay booqatay Villa Park kulamada Premier League.

Daniel Sturridge ayaa dhaliyay 7 gool lixdii kulan ee ugu dambeysay oo uu Liverpool usaftay Premier League .

Steven Gerrard ayaa 13 gool ka dhaliyay Aston Villa kulamada horyaalka.

Ogeysiiska ciyaarta

Garoonka: Villa Park

Garsooraha: Mark Clattenburg

Saacada bariga afrika:7:30

Xidigaha laga yaabo in lagu soo bilaabo labada dhinac

Aston Villa: Guzan; Lowton, Vlaar, Okore, Luna; El Ahmadi, Westwood, Delph; Agbonlahor, Weimann; Benteke

Liverpool: Mignolet; Enrique, Toure, Agger, Johnson; Gerrard, Lucas, Henderson; Coutinho, Sturridge, Aspas

 

by abdikani

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com