Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Hordhaca iyo taariiqda kulanka Fulham vs Arsenal

Fulham-vs-Arsenal(maantasomaliland):-Waa mid ka mid ah kulamnada darbiga ah ee magaalada London ,laakiin kooxda tababare Wenger ayaa iska ilaalin doono guul daro kale oo kaga timaada bilawga horyaalka.

Fulham

Maarten Stekelenburg iyo Kieran Richardson ayaa laga yaabaa in ay dhawac kaga maqnaadaan kooxda Fulham halka shaki laga qabo caafimaadka Alexander Kacaniklic.

Fulham ayaa ayaa qasaarada labaad ee ugu badan Premier League kala kulanta Arsenal ,waxaa ka badan Man United oo qura.

Fuham ayaa adkaatay sadex jeer ,24 kii kulan ee ugu dambeyay oo ay ka hor tagtay The Gunners kulamada Premier League ,sadexdaas guul ayey ku heleen garoonkooda Craven Cottage.

4 kaar oo gaduud ah la bixiyay sadexdii kulan ee ugu dambeysay Arsenal iyo Fulham .

Fulham waligeed ma badin labada kulan ee ugu horeysa Premier League.

Arsenal

The Gunners ayaan heli karin Thomas Vermaelen, Abou Diaby, Mikel Arteta iyo Alex Oxlade-Chamberlain, waxaa sidoo kale shaki la galinaya Yaya Sanogo iyo Ryo Miyaichi ,iyadoo uu casaan ku maqan yahay Laurent Koscielny.

Arsenal ayaa caado ahaan ah kooxda ugu badan ee adkatay kulamada London Derby.

The Gunners ayaa qaadatay wax ka badan lix casaan kulamada Premier League tan iyo 2012/13 waxaana ay ka badan tahay kooxaha kale .

Ogeysiiska ciyaarta

Garoonka: Craven Cottage

Garsooraha: Howard Webb

Saacada bariga afrika: 2:45

Xidigaha labada dhinac ee laga yaabo in lagu soo bilaabo kulankan

Fulham: Stockdale; Riether, Hughes, Hangeland, Briggs; Boateng, Parker; Taarabt, Berbatov, Duff; Bent

Arsenal: Szczesny; Jenkinson, Sagna, Mertesacker, Gibbs; Rosicky, Wilshere, Ramsey Cazorla, Walcott; Giroud

by abdikani

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com