Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Lasoco kulanka caawa ee Sampdoria vs Juventus

Sampdoria-vs-Juventus(maantasomaliland):-Kooxdda Juventus ayaa caawa bilaabi doonta olalaha ay ku difaacaneyso horyaalka wadanka Talyaaniga ee Serie A-da.

Sampdoria

Kooxda tababare Delio Rossi ayaa soo dhoweyn doonta cimaaliqada Talyaaniga ,sadex bilood kadib markii ay garaceen xiritaankii horyaalka.

Sampdoria ayaa 3-2 kaga adkaatay Juve ciyaartii ug dambeysay waxaana ay sadexdda gool uga mahad celinayan Eder, Lorenzo de Silvestri iyo Mauro Icardi.

Kooxda tababare Rossi ayaa weyn doonta Enzo Maresca, Renan iyo Simon Poulsen kuwaas oo dhamaan ganaaxyo qaba, laakiin koxda inteeda kale ayaa diyaar u ah ciyaartan.

Juventus

Kooxda tababare Antonio Conte ayaa udiyaarsan bilaabashada Serie A-da kadib markii ay 4-0 ku xaaqeen Lazio Supercoppa Italia Axadii.

Tababare Conte ayaa ku mashquulsan suuqa waxaana uu ilaa hada soo qaatay Carlos Tevez iyo Angelo Ogbonna tiiyoo ay jirto in Fernando Llorente uu soo xaadiray kooxda kaas oo ay iibsadeen bishii January.

Claudio Marchisio ayaa ah ciyaariyahanka kaliya ee dhawac uga maqan kooxda Juventus .

Ogeysiiska Ciyaarta

Garoonka: Comunale Luigi Ferraris

Garsooraha: L. Banti

Saacada bariga afrika: 9:45

Xidigaha laga yaabo in lagu soo bilaabo labada dhinac

Sampdoria: Da Costa, Berardi, Gasteldello, Palombo, Salamon, Costa, Obiang, Krsticic, De Silvestri, Eder, Gabbiadini

Juventus: Buffon, Barzagli, Bonucci, Chiellini; Lichtsteiner, Vidal, Pirlo, Asamoah, Pogba; Llorente, Tevez.

by abdikan

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com