Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Falaqeenta kulanka caawa Hellas Verona vs AC Milan

milan-vs-varone(maantasomaliland):-AC Milan ayaa nasiib uyeelatay ciyaarta furitaanka horyaalka Talyaaniga iyagoo usafri doona kooxda Hellas Verona.

Hellas Verona

Kooxda Hellas Verona ayaa ku soo laabatay xagaagan Serie A-da oo ay ka maqnaayeen mudo 11 sano ah.

Tababaraha kooxdan Andrea Mandorlini ayaa ku mashquulsan suuqa kala iibsiga isagoo dhowr waji oo cusub ku soo daray kooxda .

Weeraryahanka waaya araga ah ee Luca Toni ayaa sameyn doona kulankiisii ugu horeeyay ee caalami ah ee kooxda Hellas Verona halka wiilka cusub ee Massimo Donati uu ka hor tagi doono kooxdiisii hore .

 

AC Milan

Milan ayaa dooneysa in ay loolan fiican muujiso sanadkaan ,inkastoo Napoli iyo Juventus loo arko labada ugu cad cad.

Rossoneri ayaa sameyn kooban ka sameysay suuqa kala iibsiga xagaagan waxaana ay la yimaadeen Matias Silvestre, Andrea Poli, tiiyoo ay jirto in ay soo celiyeen Urby Emanuelson.

Tababare Allegri ayaa heysta koox caafimaad qabta waxaana uu rajeynaya in uu guul ku bilaabo Serie A-da.

Ogeysiiska Ciyaarta

Garoonka: Marc’Antonio Bentegodi

Garsooraha: Calvarese

Saacada bariga afrika: 7:00

Xidigaha labada dhinac ee laga yaabo in lagu soo bilaabo

Verona: Mihaylov, Albertazzi, Abbate, Moras, Maietta, Donati, Bačinovic, Jorginho, Grossi, Cacia, Toni

Milan: Abbiati; Mexès, Zapata, Abate; Muntari, Boateng, Montolivo, Emanuelson, de Jong; Balotelli, El Shaarawy

by abdikan

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com