Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Ciyaaryahanka Modric oo wali xiiseynaya in uu ku biiro Man United

luka-modric(maantasomaliland):-Xidiga khadka dhexe ee kooxda Real Madrid Luka Modric ayaa la,aaminsan yahay in uu xiiseynaayo in uu ku biiro kooxda Manchester United inta uusan xirmin suuqa kala iibsga xagaagan.

United boss David Moyes ayaa qiray in kooxdisu ay ubaahan tahay in lagu soo daro wajiyo cusub xagagan waxaana uu dareemaya in ay muhiim tahay in la xoojiyo khadka dhexe ee Old Trafford.

SportsDirect News ayaa sheegtay in Luka Modric uu kula hadlaayo ninka isaga wakiilka u ah qaabka uu ku aadi karo United .

Laacibkii hore ee kooxda Tottenham ayaa la sheegay in uusan ku qanacsaneyn joogitaanka Santiago Bernabeu, waxaana uu umuuqda mid ku soo laabanaya Premier League.

Madrid ayaa ka maarmi karta xidiga Croatia kadib markii ay £60 million ku soo iibsadeen xagagan xidigaha Isco iyo Asier Illarramendi.

by abdikan

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com