Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Ciyaaryahanka Neymar : Saxaafada ayaa ka shaqeyneysa isku dhaca aniga iyo Messi

neymar-2227484-0D0D777500000578-49_468x3241(maantasomaliland):-Xidig yaraha kooxda Barcelona Neymar Da Silva ayaa sheegay in saxaafadu ay xooga saareyso dhaq dhaqaaqa isaga iyo Messi .

Isagoo wareysi siinayay barnaamujka Barca Hat-rick waxaa uu sheegay in Messi uu yahay ciyaariyahan uusan kula jirin xafiitan uuna ku ixtiraamo in uu yahay xidiga ugu wanaagsan aduunka .

Waxaa uu sheegay in saxaafadu ay cadaawad dhex dhigeyso labadooda ayna tahay dhacdo aan lagu guuleysan doonion .

“Mar walba waxaa ay ka hadlaan labadeena ,qaabka aan uwada ciyaarno xitaa waxa ay fiiriyaan in aan kubbada isku baasno ,taas waa dhacdo laga bad badiyay .

“Ma jiro xafiltan aan kula jiro Leo ,waxaan uxushmeeyaa in uu yahay xidiga ugu fiican aduunka ,waxaan uwada ciyaarnaa hal koox waana ku faraxsanahay midaas .

“Saxaafadu waxey raadinayaan isku dhaceen ,laakiin waa mid aysan gaari doonin ,sharaf ayey tahay in aan ka garab ciyaaro Messi.

by abdikan

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com