Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Kooxda Arsenal oo £100m u isticmaali doonta 4 ciyaariyahan inta uusan xirmin suuqa

arsenal-test-2(maantasomaliland):-Saxafiga caanka ah ee BBC-da David Ornstein ayaa aaminsan in kooxda Arsenal ay isticmaali doonto £100m oo gini inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga ciyaartooyda .

Kooxda tababare Wenger ayaan wali wax qarash ah ku bixin suuqa kala iibsiga xagaagan ,laakiin David Ornstein ayaa aaminsan in ay 4 ciyaariyahan ku soo qaadan doonaan £100m.

Waxaa uu aaminsanyahay wariyahan in The Gunners ay la soo saxiixan doonto Karim Benzama iyo Angel Di Maria oo ka wada tirsan kooxda Real Madrid ,ciyaariyahan goosha qabta iyo hal nin oo daafaca dhexe ka ciyaara .

David Ornstein ayaa ka sheegay BBC Radio 5 live in Wenger uusan sidaan ku sii socon karin uuna ku qasban yahay in uu is badal la yimaado.

“Inta uusan suuqu xirmin waxa ay bixin doonaan lacag ku dhow £100m, waxaad arki doontaan Karim Benzama iyo Angel Di Maria ,goolhaye iyo difaac ayuu yiri David Ornstein.

by abdikan

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com