Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Kooxda Man City oo aad ugu dhow saxiixa Martin Demichelis

demichelis(maantasomaliland):-Kadib markii kooxda Man City ay soo wajahday dhibaato dhanka daafaca ah waxay haatan kooxdan xal u aragtay inay lasoo saxiixato daafaca waaya araga ah ee ka tirsan naadiga Atletico Madrid Martin Demichelis waxaana lagu wadaa xidigan u dhashay dalka Argentina in maal maha nagu soo fool leh uu magaalada Manchester usoo duulo, inkastoo daafacan uu xagaagan naadiga Atletico kusoo biiray isagana soo tagay kooxda Malaga hadana wuxuu diyaar u yahay inuu dalabka Man City ka faa’iideesto, waxayna labadan naadi heshiis ka wada gaareen qiimaha Martin Demichelis inkastoo maal mihii ugu dambeesay uu ismari waa ka dhex taagnaa wararka ayaa haatan sheegayo in Man City ay dhigeeda Atlteico ku wareejin doonto aduun lacageed oo gaarayo 4.1-milyan oo euro ah.

Madaama macalin Manuel Pelligrini ay saaxiibo aad isugu dhow yihiin Martin Demichelis sidoo kalena ay sanadkii hore naadiga Malaga isla joogeen macalinkan ayaa ka dalbaday maamulka Man City in xidigan waaya araga ah loo soo iibiyo si uu booska kabtan Kompany u buuxiyo waayo daafaca reer Belgium dhaawaciisa mudo ka badan bil ayuu ka qaadan doonaa sidaa darteed Martin Demichelis oo horey ugu cayaari jiray naadiga Bayern Munich ayaa isku diyaarinaayo inuu xaliyo dhibaatada Man City ka heesato dhanka daafaca.
by abdikan

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com