Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Naadiga Real Madrid oo aaminsan in ay heysato fursad ay kula saxiixan karto Samuel Eto’o

article-0-04D4C25700000514-590_634x542(maantasomaliland):-Inkastoo weeraryahanka reer Cameroon siweyn loo hadal haayay inuu ku biiri doono kooxaha Chelsa ama Inter Milan midkood hadana wararka haatan laga helaayo dalka Spain ayaa sheegayo in kooxda Real Madrid ay haatan heesato fursad ay xidigan kula saxiixan karto, naadiga Anzhi ee uu ka tirsan Eto’o ayaa horey u sheegtay inaysan xidigan heesan karin madaama dhaqaalo xumo baahan kusoo habsatay waxayna si toos ah ula xariireen dhigeeda Real Madrid ayagoo ka dalbadeed in weeraryahankan ay ka iibsadaan.

Qiimaha 32-jirkan laga iibsan karo ma ahan mid sareeyo balse koox walbo waxaysan awoodin inay mushaarkiisa bixin karin madaama weeraryahankan uu sanad walbo naadiga Anzhi ka qaato 20-milyan oo euro ah, Eto’o oo horey ugu cayaari jiray naadiga Barcelona ayaa sidoo kale asigoo aad u dhalin yar soo maray xarunta Real Madrid balse ma uusan helin fursad uu naadigan caanka ah ugu cayaaro sidaa darteed waxaa suura gal ah in markan uu heli doono fursad uu garoonka Bernabue kaga soo muuqdo balse wax walbo waxay ku xirnaan doonaan go’aanka ay qaatan maamulka Real Madrid waayo kooxdan haatan siyaasadeeda ma ahan inay lasoo saxiixato cayaaryahan 30-sano da’diisa ka weyn tahay.

by abdikan

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com