Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Kooxda Liverpool oo u dhaqaaqday saxiixa Xavi-ga reer Turky Selcuk Inan

Selcuk-Inan-Galatasaray(maantasomaliland):-Naadiga Reds oo aad uga wareertay helitaanka kubad sameeya tayo wanaagsan kadib markii ay ku fashilntay saxiixo xidigo badan oo bartilmaameed u ahaayeen sida Henrik Mikhtiryan oo ku biiray naadiga B. Dortmund iyo Willian oo isaga haatan Chelsea kusii jeedo ayaa haatan u dhaqaaqday dalka Turkiga madaama macalin Brenden Rodgers loogu sheegay horyaalka Turkey inuu ka cayaaro xidigo lagu magacaabo Selcuk Inan balse dad weynaha reer Turkey ula baxeen New Xavi, 28-jirkan wuxuu ka tirsan naadiga Galatasaray sidoo kalena sabab ayuu ahaa xili cayaareedkii hore inay kooxdan ku guuleesato horyaalka.

Selcuk Inan labadii sano ee ugu dambeesay wuxuu Galatasaray u dhaliyay 20-gool sidoo kalena 29-kubadood ayuu abuuray wuxuuna kusoo baxay kubad sameeye la isku haleen karo sidaa darteed la yaab ma ahan hadii uu kooxda Liverpool usoo dhaqaaqo si uu u xaliyo baahida Reds ay u qabto kubad sameeye weerarka iyo khadka dhexe isku xiri karo, sidoo kale Liverpool waxaa dhiiri galin weyn u noqon karto in Inan kooxdiisa Galatasaray looga heli karo £14m sidaa darteed maal maha nagu soo fool leh ayya Liverpool si rasmi ah wada xaajood kooxdan ula furi doontaa.

by abdikan

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com