Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Kooxda Arsenal oo ku raaxeysatay Fulham, xili ay badiyeen kulankii London Derby

arsenalle-2400951-1B707892000005DC-685_964x386-490x196(maantasomaliland):-Kooxda Arsenal ayaa ka soo kabsatay guul daradii soo gaartay furitaankii horyaalka Ingriiska kadib markii ay 3-1 ku xaaqday kooxda Fulham.

Kulankii ka dhacay Craven Cottage ayaa waxaa si habsimi leh uga soo dhalaalay Lukas Podolski.

Kooxda tababare Wenger oo kala maqan ayaa hogaanka ciyaarta qabatay daqiiqadii 14 aad markii uu Giroud shabaqa soo taabtay kadib caawimaad uu ka helay Ramsey.

Intii aan la aadin qeybtii nasashada ayuu daqiiqadii 41 aad ciyaarta 2-0 ka dhigay Lukas Podolski.

Markii la isku soo laabtay The Gunners aya sii waday jawigeeda qurxoon Lukas Podolski ayaana ciyaarta ka dhigay 3-0 kadib caawimaad uu ka helay Cazorla.

Kooxda Fulham ayaa gool la timid daqiiqadii 77 aad kaas oo uu dhaliyay Bent ,laakiin waxba kama badalin natiijada ciyaarta .

by abdikan

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com