Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Kooxda Liverpool Oo Garaacday Aston Villa Gool uu dhaliyay qeybtii hore Daniel Sturridge

_69471825_019055367-1(maantasomaliland):-Gool uu dhaliyay qeybtii hore Daniel Sturridge ayaa ka saaciday Liverpool inay seddex dhibcood ku soo qaadato Villa Park islamarkaana ay 1-0 kaga talaabsato Aston Villa oo ay ciyaar adag kala kulmeen.

Liverpool ayaa ciyaarta ku bilaabatay si fiican iyadoo kubada heysashada ku riyaaqeysay inkastoo aysan weerar badan qaadin daqiiqadihii furitaanka ee ciyaarta.

Laakiin waxa ay hogaanka u qabteen ciyaarta daqiiqadii 18aad markii Jose Enrique uu kubad baas dheer u soo dhigay Sturridge iyadoo Coutingo uu baneeyay kubada xiddiga reer England kaasoo farsamo cajiib leh isku dulsaaray Luna iyo goolhaye Guzan ka hor inta uusan kubada shabaqa dhex dhigin.

Goolkaas ayaana ahaa goolkiisii 8aad ee 7dii kulan ee ugu danbeysay ee uu safto horyaalka Premier League.

Dhamaadkii qeybta hore ee ciyaarta ayaana Villa ay cadaadis saartay Liverpool iyagoo raadinaya goolka barbaraha, goolhaye Mignolet ayaana kubad halis aheyd ka badbaadiyay Benteke daqiiqadii 38aad ee ciyaarta.

Seddex daqiiqo ka dib Aston Villa ayaa u dhawaatay inay hesho goolka barbaraha markii kubad uu goolka u qaaday Weimann ay dusha uga dhacday Agger iyadoo kubada ay si ciriiri ah ku dulmartay goolka.

Waxaana qeybtii hore lagu kala nastay 1-0 oo hogaanka ku heysay kooxda martida ku aheyd Villa Park.

 

Qeybtii labaad ayaa Liverpool ay ka duwaneyd sidii hore iyadoo aan helin fursad rasmi ah daqiiqadihii ugu horeeyay, Aston Villa ayayna aheyd kooxdii cadaadiska saareysay goolka Reds.

Daqiqiadii 72aad Toure ayaa kubad uu madax ku bixiyay waxaa helay Agbonlahor kaasoo fursad fiican ka qasaariyay ka dib markii uu goolka hareermariyay kubadii uu shabaqa la damacsanaa.

Aston Villa ayaana heshay daqiiqadii 85aad fursad gool loo fishay markii Benteke kubad madax ah loo dhiibay isagoo goolka u furnaa, laakiin inta uusan darbada tuurin waxaa lug dhex gashtay Toure, iyadoo darbadii ka sii baxday halkaas oo halis aheyd oo u badbaadiyay goolhaye Mignolet.

Waxaana ay ciyaarta ku soo dhamaatay 1-0 oo ay ku badisay Liverpool oo muddo shan sanno ah ka dib markii ugu horeysay wada badisay labada kulan ee ugu horeeya horyaalka Premier League.

Aston Villa ayaana ay nasiibdarro ku aheyd inaysan dhibic ka helin kulankii garoonkooda maanta ka dhacay, si la mid ah kulankii Stamford Bridge ee bartimihii isbuuca, iyagoo ciyaaray seddex kulan muddo isbuuc gudaheed.

Reds oo 6 dhibcood ka heysata labo kulan oo ay ciyaartay Premier League ayaa axada soo socota waxa ay garoonkeeda Anfield ku martigelin doontaa kooxda Manchester United ee horyaalka difaacaneysa.

by abdikan

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com