Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wax walba oo aad uga baahan tahay kulanka caawa ee Malaga vs Barcelona

malaga-vs-barca-490x325(maantasomaliland):- Kooxda Barcelona ayaa caawa usafri doonta kooxda Malaga kulankoodii labaad ee horyaalka Spain ee La Liga.

Malaga

Kooxda Malaga ayaa weyn doonta xidigaha Weligton iyo Flavio Ferreira kuwaas oo dhawacyo qaba.

Malaga ayaa aragtay wax ka sareeya labo gool 9-kii kulan ee ugu dambeyay oo ay la ciyaartay kooxda Barcelona dhamaan tartamada .

Bartlomiej Pawlowski ayaa sameyn doona kulankiisii koowaad ee tartan rasmi ah ee kooxda Malaga ,kadib markii ninka Polish-ka ah uu xagagan ku soo biiray kooxda Malaga.

Tababaraha kooxda Malaga ayaa sheegay in ay niyad jab ku tahay maqnaanshaha Weligton iyo Flavio Ferreira oo labaduba dhaawac ku seegaya ciyaartan .

Barca

Kooxda Barcelona ayaa weyn doonta xidigaha Carles Puyol, Isaac Cuenca iyo Ibrahim Afellay kuwaas oo dhaawacyo qaba ,waxaana shaki la galinaya caafimaadka Lionel Messi kaas oo dhawac uu ka soo gaaray lugtii koowaad ee Super Cup-ka Spain.

Barcelona ayaa dhalineysay wax ka badan 2 gool 30 ka mid 34-tii kulan ee ugu dambeysay La liga.

Barcelona ayaa adkaatay 11 ka mid ah 12-kii kulan ee ugu dambeysay oo ay la ciyaartay kooxda Malaga dhaman tartamada.

Neymar Da Silva ayaa sugaya in uu ku soo bilaawdo kulanka caawa madaama uu dhaawac qabo Lionel Messi.

Ogeysiiska Ciyaarta

Garoonka: La Rosaleda

Garsooraha: Antonio Mateu Lahoz

Saacada bariga Afrika: 10:00

Xidigaha labada dhinac ee laga yaabo in lagu soo bilaabo

Malaga: Caballero; Gamez, Angeleri, Chen, Artunes; Tissone, Darder, Morales; Duda, Olinga, Santa Cruz

Barca: Valdes; Alves, Mascherano, Pique, Adriano; Xavi, Busquets, Fabregas; Alexis, Neymar, Pedro

by abdikan

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com