Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Michael Laudrup : Bale weli ma uusan gaarin heerka C. Ronaldo oo kale

281808_heroa(maantasomaliland):- Inkastoo Grathe Bale uu jebin rabo iskoorka Crisrtiano Ronaldo sidoo kale uu noqon doono cayaaryahanka aduunka ugu qaalisan hadana tababaraha naadiga Swansea City hogaamiyo sidoo kalena horey ugu soo cayaaray naadiga Real Madrid Michael Laudrup ayaa aaminsan in Grathe Bale uusan weli kubada cagta ka gaarin heerka Cristiano Ronaldo oo kale wuxuuna yiri “waa inaan qiranaa Bale inuu yahay cayaaryahan aad u wanaagsan sidoo kalena sanadkii hore Premiership-ka wacdaro ka dhigay balse marnaba ma uusan gaarin heerka Cristiano Ronaldo oo kale waayo waa xidig soo baxaayo laakiin ma noqon cayaaryahan dhameestiran sida Messi iyo Ronaldo oo kale!”

Michael Laudrup labo sano ayuu kooxda Real Madrid kusoo qaatay asigoo cayaaryahan ah wuxuuna haatan ka mid yahay macalimiinta ugu wanaagsan Premiership-ka asigoo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri “afar sano ee ugu dambeesay caalamka oo idil waxay marag ka ahaayeen waxtarka Messi iyo Ronaldo dhamaan xidigaha kale iyaga ayay ka hooseeyaan sidaa darteed Bale wuxuu la mid yahay laacibiinta qaar sida Andres Iniesta, Sergio Aguero iyo Robin van Persie” ugu dambeyntii macalin Laudrup ayaa u rajeeyay hormar iyo guul Grathe Bale madaama uu waa cusub uga bilaaban doono La Ligaha Spain sidoo kalena uu noqon doono cayaaryahanka caalamka ugu mushaarka badan.

by abdikani

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com