Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Tababaraha Kooxda Chelsea Jose Mourinho oo aaminsan in David Moyes uu sii amba qaadi doono guulihii uu Sir Alex ka tagay

Jose-Mourinho(maantasomaliland):-Macalin Jose Mourinho ayaa ku dhiiri galiyay dhigiisa David Moyes inuu Man United guulo u horseedo mustaqbalka dhow iyo midka dheerba, ka hor kulanka berito dhex mari doono kooxaha Man United iyo Chelsea waxaa saxaafada la hadlay macalin Jose Mourinho oo aan inta badan looga baranin inuu amaano shaqsiyaadka ay iska horjeedaan ayaa markan siyaasadiisa badalay wuxuuna amaan kala dul dhacay David Moyes oo xagaagan la wareegay hogaanka Man United wuxuuna yiri Jose “David waa macalin waaya araga ah sanado badana Premiership-ka kusoo dhex jiray sida darteed waxay ila tahay inuu sii amba qaadi karo guulihii kooxda Man United lagu yaqiinay” macalin Moyes mudo 11-sano ah ee uu naadiga Everton macalin u ahaa wax koob ah ma uusan qaadin waana sababta keentay in shaki la galiyo inuu Sir Alex Ferguson badali karo.

Balse Mourinho aragtidaas mid ka duwan ayuu qabaa wuxuuna yiri “dhaxalka uu Ferguson ka tagan waa mid waligiis ooli doono garoonka Old Trafford balse Moyes waa macalin ku jiro xiligiisii ugu wanaagsanaa waxaana qabaa aragti ahaan inuu leeyahay tayadii ku habooneed hogaaminta Man United waxaana u rajeynaa guulo iyo mustaqbal aad u wanaagsan madaama uu macalin u noqday naadiga ugu guulaha badan dalka England” ugu dambeyntii Mourinho ayaa ka dhawaajiyay in Moyes uu kasban karo taageerayaasha Man United hadii uu xili cayaareedkan koob muhiim qaado wuxuuna Jose u arkaa in macalinkan uu yahay shaqsigii ku haboonaa inuu Ferguson badalo.

by abdikani

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com