Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Kororso aqoontaada Sports

Football-Logo1-490x372(maantasomaliland):-Waa maqaal kooban oo aan ugu tala galnay inaan kusoo qaadano ama aan akhristayaasheena la wadaagno dhacdooyinka Sports ee laga soo gudbay ama haatan taagan sidaa darteed waxaan idiin soo gudbin doonaa macluumaad walbo oo aad u baahan tihiin:

  • Ma ogtahay in kooxaha Liverpool iyo Tottenham ay yihiin labada naadi ee ka dhisan dalka England kuwaas oo ugu imaan shaha badan Semi-finalaha tartanka UEFA/Europa League waxayna soo gaareen nus dhumaadka tartankan afar jeer taariikh ahaan.
  • Ma ogtahay in Anthony Yeboah oo u dhashay dalka Ghana uu yahay cayaaryahanka kaliya ee ku guuleestay gool dhalinta Bundesligaha kaasi oo kasoo jeedo qaarada Afrika, asigoo naadiga Eintracht Frankfurt ka tirsan ayuu labo jeer ku guuleestay 1992-93 (20 gool) iyo 1993-94 (18 gool).
  • Ma ogtahay in xulalka Chile, Ecuador & Venezuela aysan waligood ku guuleesatay tartanka laga cayaaro qaarada Koonfur Ameerika balse dhamaan dalalka kale eek u mideesan xiriirkan way ku guuleestan koobkan sida Brazil, Argentina, Uruguay, Paraguay, Colombia iyo kuwo kale.
  • Ma ogtahay in naadiga Man United ay u cayaareen ama soo mareen 7-cayaaryahan oo reer Holland xiliga Premier League marka laga soo bilaabo oo ah sanadii 1992 waxayna xidigahaas kala yihiin: Alexander Büttner, Jordi Cruyff, Jaap Stam, Raimond van der Gouw, Edwin van der Sar, Ruud van Nistelrooy iyo Robin van Persie.
  • Ma ogtahay John Charles oo u dhashay dalka Wales uu yahay cayaaryahanka kaliya eek u guuleestay gool dhalinta Serie A-da kaasi oo kasoo jeedo UK wuxuuna kula guuleestay naadiga Juventus xili cayaareedkii 1957-58 wuxuuna ku qaaday kabaha dahabka 28-gool.
  • Ma ogtahay in cayaaryahankii ugu dambeeyay eek u guuleesto gool dhalinta Serie A-da ee u dhashay dalka Brazil inuu ahaa Márcio Amoroso oo ku qaaday 22-gool xili cayaareedkii 1998/99 wuxuuna ka tirsanaa naadiga Udinese.
  • Ma ogtahay in taariikh ahaan 4-macalin oo xilka naadiga Man City soo qabteen ay ku guuleesteen abaal marinta bilaha ah ee macalinka ugu wanaagsan horyaalka England waxayna kala yihiin: Alan Ball (November 1995), Stuart Pearce (April & August 2005), Sven-Göran Eriksson (August 2007) iyo Roberto Mancini (Dec 2010 & Oct 2011).
  • Ma ogtahay in cayaaryahankii ugu horeeyay ee u dhashay dalka Mareekanka kaasi oo ku guuleesto tartanka FA Cup inuu ahaa goolhaye Tim Howard oo la qaaday naadiga Man United sanadii 2004.
  • Ma ogtahay in tan iyo markii Premiership-ka la bilaabay sanadii 1992 ay kooxda Arsenal lambarka 7-aad u xirteen 5-cayaaryahan oo kala ah Kevin Campbell (1993-95), David Platt (1995-98), Nelson Vivas (1998-2000), Robert Pires (2000-06) iyo Tomáš Rosický (2006-2013).
  • Ma ogtahay in kaliya hal goolhaye uu taariikh ahaan ku guuleestay abaal marinta Ballon d’Or waana Lev Yashin (Moscow Dynamo & USSR) wuxuuna ku guuleestay xili cayaareedkii 1962-63.

by abdikani

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com