Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Tababaraha kooxda Chelsea Jose Mourinho: Waa dhamaaday xiisihii Chelsea ee Wayne Rooney

rooney-okok3(maantasomaliland):-Tababaraha kooxda Chelsea ,Jose Mourinho ayaa sheegay in uu dhamaaday hamigii kooxdiisu ay ka laheyd saxiixa weeraryahanka kooxda Manchester United, Wayne Rooney.

Tababare Mourinho ayaa qirtay in Chelsea ay cadaadis saartay Wayne Rooney ,laakiin waxaa uu qiray in uu dhamaaday xiisihii kooxdiisu uqabtay xidiga Ingriiska .

“Waa dhamaatay, waxaan heysanaa koox wanaagsan ,dhinac walba , waxaa dhamaaday hal wax oo aan rabo in aan dadka usheegay ayuu Mou usheegay Sky Sports News.

“Laakiin maalintii dhamaadka waxaan dareemaya in qof walba uu xaq ulee yahay in uu muujiyo nolashiisa iyo mustaqbalkiisa ,waana xushmeynaya taas.

Chelsea ayaa la soo saxiixatay Samuel Eto’o dhamaadkii asbuucii la soo dhaafay kadib markii ay ku adkaatay helitaanka Rooney.

by abdikani

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com