Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Ciyaaryahanka Bale ma noqon doono ciyaariyahanka ugu qaalisan aduunka

bale-oo(maantasomaliland):-Jariirada Daily Mail ayaa ogaatay in xidiga garabka ee xulka Weles, Gareth Bale in uusan noqon doonin ciyaariyahanka ugu qaalisan aduunka.

Xidiga Tottenham ayaa lagu wadaa in si rasmi ah looga iibiyo kooxda Real Madrid ,laakiin waxaa la,aamisan yahay in uusan noqon doonin laacibkan ugu qaalisan aduunka.

Waxaa soo baxay warar sheegaya in Gareth Bale lagu iibsan doono £86million oo gini taas oo uu ku noqon lahaa laacibka dunida ugu qaalisan laakiin ,Daily Mail ayaa sheegtay in Bale ay ku qaadan doonto Madrid aduun dhan £78million.

Hadii sidaa lagu iibsado waxaa uu noqon doonaa xidiga labaad ee ugu qaalisan aduunka waxaana uu £2million ka hoos mari doonaa Ronaldo oo ah xidiga ugu qaalisan aduunka kaas oo 2009-kii ay Madrid ku iibsatay £80million.

Madrid ayaa la aaminsan yahay in sababta ay midaan usameyneyso ay tahay in ay qanaciso Cristiano Ronaldo.

by abdikani

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com