Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Kooxda Liverpool oo garaacday Manchester United isla markaana hogaanka PL qabatay

live(maantasomaliland):-Kooxda Liverpool ayaa hogaanka u qabatay Premier League-ha ka dib markii ay maanta ka faraxalatay kooxda difaacanaysa horyaalka ee Manchester United.

Daqiiqadii 4-aad koone ay heshay Liverpool ayaa waxaa madaxa ku dhaliyey Daniel Sturridge taasoo keentay inaay hogaanka u qabato Liverpool.

Sidaasi ayaa lagu kala nastay 1 – 0 ay Liverpool ku hogaaminayso, inkastoo Manchester United uu ka dhaawacmay Jones oo difaaca ugu ciyaarayey waxaana badalkiisa soo galay Velancia.

Markii la isugu soo laabtay ayaa waxay badal kusoo galisay Nani iyo Hernandez waxayna ka badaleen qaabkii weerarka Man United inkastoo aysan usuuragalin inaay gool keensadaan marka laga reebo dhowr jeer oo ay qiil qiil galiyeen goolka Liverpool.

Si kastaba ha ahaatee Manchester Untied ayaa guul daro kala hadaaftay garoonka Anfield halka Liverpool ay sedex dhibcood oo nadiif ah ka heshay dhigeeda Manchester.

Liverpool haatan waxay leedahay 9 – dhibcood oo nadiif iyadoo sedexdii kulan ay ciyaartay ay wada badisay Chelsea ayaa kuso xigta oo leh 7 dhibcood.

Livepool waxay ku jirtaa diyaargaroow ciyaaryahano hor leh oo ay soo iibsatay waxaana sannadkaan laga yaabaa inaay soo tiigsato 4 kooxood oo ugu sareeysa halka Arsenal iyo Man United loo baqo.

Dhanka kale West Bromwich Albion iyo Swansea oo fooda is daray ayaa markoodii ugu  horeysay waxaa guuleystay kooxda Swansea oo 0 – 2 ku garaacday West Brom.

by abdikani

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com