Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wararkii U Danbeyey Ee Suuqa kala iibsiga ciyaartooyda yaa la iibsaday yaase qarka usaaran?

Suuqa-iibsiga4-490x3021(maantasomaliland):-Waxaa gabo gabo maraya suuqa kala iibsiga ciyaartooyda waxaana ka harsan wax ka yar laba maalmood kooxaha ayaa aad u badinaya rabitaankooda.

***Kooxda AC – Milan ayaa wadahadal kula jirta laacibkooda hore ee reer Brazil Kaka kasoo sheegay in uu isaga tagayo kooxdiisa Real Madrid.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Kaka uu ku fool leeyahay kooxda ka dhisan dalka Mareykanka ee LA Galaxy, Milana waxay doonaysaa inaay 6 bilood oo deyn ah ku qaadato laacibkaan. Waxaynse dhanka kale heshiis la gaartay ciyaaryahanka rere Jaban Keisuke Honda.

***Adrian Lopez oo ka mid ah xidigaha Spain iyo kooxda Atletic Madrid ayaa la shaaciyey inuu ku biirayo kooxda Monaco.

Laacibkaan ayaa deyn hal xili ciyaareed ah ugu wareegaya kooxdan aadka u danaynaysa ee Monaco.

***Kooxda Atletico Madrid ayaa qarka usaaran inaay lasoo saxiixato ciyaaryahanka badali lahaa Lopez kaasoo ay kasoo qaadanayso kooxda Saint-Etienne.

Joshua Guilavogui oo ka mid ah xidigaha Faransiiska uu ku xisaabtamayo ayaa dhanka kale waxaa uu ciyaari doonaa kulankiisa ugu danbeeya maanta oo ay ciyaarayso kooxdiisa.

*** Kooxda Juventus ayaa doonaysa inaay soo iibsato Gilardino hadii uu ka tago Quagliarella.

West Ham ayaa gorgortan kula jirta Fabio Quagliarella laakin Antonio Conte ayaa raba inuu haysto ilaa shan ciyaaryahan oo afka hore ugu ciyaara taasoo keeni karta inuu Gilardino kasoo tagi karo kooxda Genoa.

*** Kooxda Barcelona ayaa doonaysa inaay lasoo saxiixato ciyaaryahan weerar ka ciyaari kara.

Tababare Tata Martino ayaa qorshahiisa kooxda labaad ku doonaya inuu keensado Oscar Cardozo oo badal fiican u noqon kara ciyaaryahanada weerarka ka ciyaara. Tababarahan ayaa ku kalsoon wiilkan uu tababaraha ugu soo noqday xulka Paraguay.

*** Kooxda Tottenham gudoomiyeheeda Levy aya shuruud adag ku xiray hadii ay Bale uu kusoo laabanayo England mudo afar sanno gudahood inaay bixin doonaan £10milyan oo bound.

Tottenham ayaa ka baqaysa in Bale uu kasoo horjeesto lagana iibiyo Chelsea, Man United iyo Manchester City.

*** Jose Mourinho ayaa kooxdiisa ka dalbaday inta aanu xirmin suuqa kala iibsiga in loo keeno ciyaaryahan dheeraad ah oo weerarka ka ciyaari kara.

Sababta ayaanan la fahmi karin maadaama uu haysto Ba, Torres, Lukaku iyo Eto’o.

*** Manchester United oo maanta guuldaro la kulantay ayaa qarka usaaran inaay lasoo saxiixato ciyaaryahanka qadka dhexe Marouane Fellaini iyo Leighton Baines oo bidixda difaaca ka ciyaari kara.

Manchester oo maanta ka liidatay qadka dhexe ayaa u hamuun qabta inaay labadaani ciyaaryahan keensato waxayna haatan miiska saartay£40milyan oo bound. Waxaana laga yaabaa in Everton ay ku qanacdo wadaxaajoodka soo jiitameyey mudo bilooyin ah.

by abdikani

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com