Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

War deg deg ah: Manchester United iyo Paris Saint German oo wakiiladooda u duulay Madrid Sabab?

Football-Logo1-490x372(maantasomaliland):-Wakiilada Manchester United iyo Paris Saint-Germain ayaa siyaabo kala duwan ugu duulay caasimada magaalada Madrid iyagoo doonaya inaay koox waliba ka dul qaado ciyaaryahan muhiim ah.

Ka dib iibsashadii Bale ay soo iibsatay Real Madrid ayaa waxaa suuqa yaala ciyaaryahan Mesut Özil waxaana haatan hogaanka u haya labada kooxood ee Manchester United iyo PSG.

Kooxda Arsenal oo si weyn u doonaysay ayaa caawa xaalka is badalay waxaana kooxahan Premier League-ha ku wehliya PSG oo laga yaabo inaay labada ka dul qaado.

PSG oo haysata lacago tiro badan iyo Manchester United oo waqtigu ciriiri ku yahay ayaa laga yaabaa inaay lasoo wareegaan laacibkaan booskiisa qalqiilka kusugan.

Mesut Özil ayaa laftiisa danaynaya mushaar ka badan midka uu hada qaato iyo waliba boos joogto ah oo uusan ka heli doonin Real Madrid maadaama uu yimi Gareth Bale.

by abdikani

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com