Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Natiijooyinka Horyaalka Serie A-da Milan, Inter, Fiorentina, Roma iyo Udinese oo wada badiyey

serie-a490sg_0(maantasomaliland):-Kooxda Roma laacibiinteeda cusub ayaa guul ku hogaamiyey markii ay sedex gool oo nadiif ah ay ku dardareen kooxda Hellas Verona.

Goolkii koowaad ayaa waxaa iska dhaliyey difaacyda Verona halka ciyaaryahanada Miralem Pjanic iyo Adem Ljajic ay labada kala dhaliyeen.

Roma ayaa u muuqata mid dhismaheeda uu soo dhamaystirmay maadaama ay si xarago leh ku biloowdeen.

Kooxda AC Milan ayaa guusheeda koowaad ka gaartay horyaalka Serie A-da iyadoo garoonkeeda San Siro ay ku garaacday kooxda Cagliari.

3 – 1 ay kusuldaartay kooxdaani waxaana goolasha u bilaabay ciyaaryahan Robinho halka labada kale ay kala dhaliyeen Mexes iyo Balotelli.

Milan ayaa hore guul daro u qabtay haatan waxay cagta saartay dhabaha guusha.

Kooxda Inter oo xilli ciyaareedkii hore aad u liidatay ayaa sannadkaan ka muuqdaa diyaar garoow iyadoo wiilal dhalinyaro ah sannadkaan kusoo tashatay.

Guusheeda labaad oo isku xiga ayay horyaalka ka gaareen iyadoo caawa ay 0 – 3 ku garaaceen kooxda Catania.

Goolasha ayaa waxaa ukala dhaliyey Palacio oo kubad ka helay ciyaaryahan Jonathan, goolasha kale ayaa waxaa kala dhaliyey Yuto Nagatomo iyo Ricardo Alvarez.

Guul farxad ku dheehan tahay ayay gaartay kooxda Fiorentina markaay ku tumatay kooxda Geneo.

Alberto Aquilani ayaa goolkii koowaad ugu bishaareeyey taageerayasha Fiola halka Mario Gomes iyo Giuseppe Rossi ay min laba gool ukala dhaliyeen waloow ay Geneo 2 gool oo aan waxba utarin la yimaadeen.

Natiijadii kooxaha kale waxay noqotay sidan:

Roma 3 – 0 Hellas Verona
AC Milan 3 – 1 Cagliari
Atalanta 2 – 0 Torino
Bologna 2 – 2 Sampdoria
Catania 0 – 3 Inter
Genoa 2 – 5 Fiorentina
Sassuolo 1 – 4 Livorno
Udinese 3 – 1 Parma

by abdikani

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com