Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Dhaawacyo hareeyay xulka Ingriiska ka hor is reeb reebka koobka aduunka

dhawac(maantasomaliland):-Xaalada xulka Ingriska ayaa sii xumaatay kadib markii 48 saac ee la soo dhaafay ay dhaawacmeen ilaa 4 xidig oo muhiim ah.

Tababare Roy Hodgson ayaa wajahaya dhawacyo badan ka hor inta uusan wajihin wadamada Moldova iyo Ukraine.

Wayne Rooney ayaa laga saaray xulka England ee ciyaari doona is reeb reebka koobka aduunka kadib markii uu dhaawac ka soo gaaray tababarka kooxdiisa .

Xidigaha Phil Jones iyo Glen Johnson oo dhaawac uga baxay kulankii Man United iyo Liverpool ayaa sidoo kale laga saaray xulka .

Daniel Sturridge oo la sheegay in uu dhawac fudud ka soo gaaray kulankii Liverpool ay kaga adkaatay Man United ayaa isna shaki laga galiyay is reeb reebka koobka aduunka ,laakiin lama shaacin in uu seegi doono.

FA –ga ayaa uwacay xidiga daafaca dhexe ee kooxda Cardiff , Steven Caulker.

by abdikani

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com