Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Manchester United Maxaa usabab ahaa in ku guuldaraysato Suuqa kala iibsiga??

Fabio-Coentrao(maantasomaliland):-Manchester United ayaa suuqa kala iibsiga ku guuldaraysatay iyadoo keensatay oo kaliya Fellaini, su’aasha meesha taal ayaa ah maxaa ugu wacnaa inaay sidaasi wax u dhacaan?

Wararka laga helaayo madaxda naadiga ayaa sheegaya in daqiiqadihii ugu danbeeyey ay si layaab leh ku weysay Fabio Coentrao iyo Herrera oo Atletico Bilbao u ciyaara.

Fabio Coentrao ayaa waxaa diiiday Real Madrid waxaana ay heshiiska ka baxday daqiiqadii udanbaysay ka dib markii tababarahooda Carlo Anceloti uu madaxweynahada Madrid ka codsaday inaan la iibin.

Wararka kale ee Herrera ayaa isna la sheegayaa in sedex nin oo qareeno ah oo degan Bilbao isla markaana faa’iido raadis ah ay la hadleen Manchester United una sheegeen inaay keeni karaan ciyaaryahankan.

Raggan ayaa isku dayay inaay burburiyaan heshiiska ciyaaryahankan oo lagu bur burin karay 36 milyan hase yeeshee daqiiqadihii ugu danbeyey ayaa waxaa soo baxday in xaga canshuuraha hadii lagu daro ay noqonayso in ku dhaw 70 milyan.

Manchester United ayaa arrintaasi u cuntami weyday in 60 – 70 milyan ciyaaryahan qad dhexe lagu soo iibiyo sidaasina aysan macquul ahayn.

Si kastaba ha ahaatee dhibaatada taagan ayaa ah in Manchester United ay u baahnayd ciyaaryahan qad dhexe waxayse is weydiintu tahay maxay ugu baahan tahay difaac bidix ka ciyaara iyado haysata Evra.

by abdikani

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com