Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Dowladda Soomaaliya ayaa beenisay in la weeraray gaadiid uu la socday madaxweynaha Soomaaliya oo degmada Marko ee gobolka Shabeellada Hoose ku socday, kaddib markii Al-shabaab ay sheegtay inay weerartay gaadiidkii uu madaxweynuhu la socday

Marka. (msl)  Dowladda Soomaaliya ayaa beenisay in la weeraray gaadiid uu la socday madaxweynaha Soomaaliya oo degmada Marko ee gobolka Shabeellada Hoose ku socday, kaddib markii Al-shabaab ay sheegtay inay weerartay gaadiidkii uu madaxweynuhu la socday.

Afhayeenka howlgallada Al-shabaab Sheekh C/casiis Abuu-Muscab, ayaa war uu siiyay wakaaladda wararka AFP ku sheegay in A-shabaab ay weerar ku qaadday gaadiid uu la socday madaxweynaha Soomaaliya oo marayay deegaan lagu magacaabo Buufoow oo ku dhow degmada Marko.

“Weerar ayaan ku qaadnay gaadiid uu la socday madaxweyanaha Soomaaliya, waxaana ku dilnay ciidammo isugu jira kuwa dowladda iyo AMISOM, sidoo kale waxaan dhaawacyo u geysannay xubnihii la socday,” ayuu afhayeenka howlgallada ee Al-shabaab u sheegay AFP.

Sheekh Abuu-Muscab oo sii hadlaya ayaa sheegay in laba gaari oo ka mid ahaa gaadiidka uu la socday madaxweynaha inay ku burburiyeen baasuukayaal ay la heleen, isagoo intaa ku daray in dagaal ka dhashay weerarka ay qaadeen uu weli socdo.
Dhinaca kale, Afhayeenka madaxweynaha Soomaaliya, Inj. Cabdiraxmaan Yariisoow oo ka mid ahaa wafdiga madaxweynaha ee Marko gaaray oo u warramayay qaar ka mid ah warbaahinta Soomaalida, ayaa sheegay in warkaasi uu yahay mid been abuur ah oo aysan waxba ka jirin.

“Ma jiro weerar gaadiidkii uu la socday madaxweynahu lagu qaaday, madaxweynaha iyo wafdigii la socday si nabadgalyo ah ayay ku gaareen degmada Marko,” ayuu yiri Inj. Yariisow.

Sidoo kale, afhayeenka madaxweynaha ayaa sheegay in gaari ay la socdeen saraakiil ciidan oo ku socday Marko uu ku rogmaday magaalada Muqdisho uuna ku dhintay hal askari, dhowr kalena ay ku dhaawacmeen.

Wafdiga madaxweynaha oo isugu jirey: wasiirro, xildhiabanno iyo saraakiil ciidan, ayaa ku sugan Marko, iyagoo halkaas kula leh kulammo maamulka gobolka, kan degmada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Safarka madaxweynaha Soomaaliya oo ahaa mid dhulka uu ku maray,  wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyay ee noociisa ah ee uu ku tago meel ka baxsan magaalada Muqdisho.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com