Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Mujaahid Xasan Ciise oo Ku Adkaystay Inaanay Ka Tanaasuli Doonin Shirka ay Ku Baaqeen

“ Xukuumaddu kama laha dalka dadka xoogna kumay qabsan, ee waa la doortay.”

“ annagu ma nihin kuwii looga baqi lahaa in ay dalka duminayaan, waxaanu nahay kuwo uga lex jeclo badan dalka, Tacab badanna ka galay”

Hargeysa(Hubaal)-Muj. xasan ciise jaamac oo ka mid ah siyaasiyiinta ku bohowday madasha wad-atashiga iyo Toosinta Qaranka, ayaa mar kale ku celiyey inay ka Go’an tahay qabashada shirka qaran ee ay hore ugu baaqeen Madasha wada-tashiga iyo toosinta Qaranka ee uu xubinta ka yahay.

Xasan ciise oo maalintii shalay la hadlayey qaar ka mid ah warbaahinta ayaa sheegay inay xukuumaddu ku fashilantay Hogaaminta dalka, tahriibkiina faraha ka baxay, isagoo sidoo kale carrabaabay inay shaqo la’aantu meel sare gaadhay xilli musuq badani dalka ragaadiyey.

Mujaahid Xasan waxa uu tilmaamay inaanay wax tallaabo ah dhinaca horumarka xukuumaddu u qaadday,“ annagu ma nihin kuwii looga baqi lahaa in ay dalka duminayaan, waxaanu nahay kuwo uga lex jeclo badan dalka, Tacab badanna ka galay, wada tashiga qaran ee ay ku baaqeena uu yahay, mid ku saabsan gunti giijiska xukuumada iyo shacabkeeda isku duubnida iyo wada jirka ummadda iyo sidii dalkani u noqon lahaa mid hiigsada, waxay shacabka Somaliland ay doonayaan.” Ayuu yidhi mujaahid xasan ciise.

Shirkan qaran ee Madashu ku baaqday ayaa yimi ka dib markii ay salaadiin Somaliland ahi ay soo dhex gashay iyaga iyo xukuumada. Isla markaasna diidmadu ka timid xaga xukuumada oo marna diyaar u ahayn in ay umada markasta kawada tashato aayaheedaMujaahid xasan ciise ayaa hadalkiisa sii raaciyey,“ Xukuumaddu kama laha dalka dadka xoogna kumay qabsane, ee waa la doortay.”

Xasan ciise waxa uu sheegay, in uu jacabka Somaliland u sheegayaan in waxa ay usocdaan uu yahay shir wad-atashi qaran, oo calaamad ama dhaqan u ahaa ururkii SND oo markasta oo tuhun ama khilaaf soo kala dhex galo, la’isugu iman jiray shir wada tashi qaran ah, Kan imika ay ku baaqayaana uu la mid yahay kuwaa hore usoo taxnaa.

Hadalkan ka soo yeedhay mujaahid xasan ciise ayaa ku soo beegmaya xilli xukuumadda Somaliland ganafka ku dhufatay inay madasha wada-tashigu awood u leedahay qabashada shirka qaran ee ay ku baaqeen.
wargayska hubaal
xigasho

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com