Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Ciyaaryahanka Juan Mata Oo Ka Hadlay Nolasha Chelsea

mata_2375135b(maantasomaliland):-Kubad abuuraha kooxda Chelsea iyo xulka Spain Juan Mata ayaa meesha ka saaray wararka xanta ah ee sheegaya inuu ka tagayo kooxda The Blues

Mata oo labo xilli ciyaareed oo xiriir ah noqday laacibka ugu wanaagsan kooxda Chelsea, ayaa hadana waxa uu yahay ninka kaliya ee haatan ay si aad ah u aaminsan yihiin taageerayaasha naadiga Chelsea.

Mata ayaa waxa uu ka maqnaa kulmadii ay kooxdiisa Chelsea la ciyaartay kooxaha Manchester United iyo Hull City Premier League iyo finalka Uefa Super Cup ee Bayern Munich ayaa keentay inay soo baxaan warar sheegaya in Mata uusan ka mid aheyn ciyaartoyda Mourinho.

“Waxaa jira warar xan ah oo sheegaya in aaan ka tagi doono kooxda Chelsea, laakiin waan ku faraxsanahay halkaan.” ayuu kubadsameeyihii hore ee Valencia u sheegay Chelsea TV.

“Labo xilli ciyaareed oo aad iyo aad u fiican ayaan halkaan ku qaatay, malaha xilli ciyaareedyadii iigu fiicnaa mustaqbalkeyga ciyaareed,”

by abdikani

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com