Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Ciyaaryahanka Willian :Chelsea Waxey Aheyd Dooqeyga Koowaad

willian(maantasomaliland):-Xidiga cusub ee kooxda Chelsea Willian ayaa ka hadlay qorshaha cusub ee kooxdiisa Chelsea

Laacibkaan kubada ku xarakooda ee reer Brazil Willian ayaa sheegay in kooxda Chelsea ku biiritaankeeda ay u aheyd riyo uu wax badan ku taamayey

“Qof waliba waxa uu jecel yahay in uu heer ka gaaro kubada cagta, aniga waxaan si aad ah ugu qanacsanahay ka mid ahaanshaha aan ka mid ahay kooxda The Blues” ayuu yiri ciyaaryahan Willian oo la hadlayey TV kooxda Chelsea.

Waxaa ay aheyd dooqeyga koowaad ,waxan sugayay in ay ila soo xiriiraan ugu dambeyn waan helay wixii aan rabay ayuu yiri Willian.

25-jirkaan ayaa dhawaan kooxda Chelsea kaga soo biiray kooxda reer Russia ee Anzhi Makhachkala, isagoona haatan macalin Jose uu ku darsaday xidigaha uu sanadkaan uga ciyaari doona koobka Uefa Champions League

Willian ayaa la filayaa kulankiisa ugu horeeya ee uu u ciyaarayo kooxda Chelsea inuu noqdo kulanka ay kooxdiisu u safri doonto garoonka Goodison Park, oo ay kula ciyaari doonaan kooxda Everton.

by abdikani

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com