Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Kooxda Arsenal oo baareysa warka sheegaya in lagu qamaaray saxiixii Mesut Ozil

ozil-arsenal(maantasomaliland):-Arsenal ayaa xaqiijisay in ay baaritaan ku sameyneyso wararka sheegaya in tababaraha dhalinyarada Arsenal, Mark Arber uu qamaar ku dhigtay saxixa Mesut Ozil.

Tababaraha dhalinyarada Arsenal Mark Arber ayaa bogiisa Twitter-ka ku sheegay in uu ku badiyay 14-1 kadib qamaar uu ku dhigtay in Ozil uu ku soo biirayo The Gunners .

Kooxda Arsenal ayaa Ozil ku iibsatay £42.5m saacadihii ugu dambeeyay suuqa kala iibsiga ciyaartooyda.

“Waxaan baareynaa arintaan oo ah mid hoos udhigeysa sumcada kooxda ayuu yiri afayeen uhadlay kooxda Arsenal.

“Waan ognahay sharciyada wadankaan uga yaala in aad ku qamaarto arin ay ku jirto kooxdaada ayuu hadalkiisa ku daray .

The Gunners ayaa ka walaacsan in ay FA –gu baaris gaar ah ku sameeyaan arintaan taas oo kooxda ku keeni karta ciqaab adag.

by abdikani

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com