Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Ciyaaryahanka Ronaldo oo jabiyay rikoorkii Eusebio xili Portugal ay garaacday Northern Ireland

ronaldo (2)(maantasomaliland):-Cristiano Ronaldo ayaa si weyn uga soo dhalaalay kulankii xalay ee xulalka Portugal iyo Northern Ireland.

Ronaldo ayaa markii ugu horeyay sadex gool hal kulan udhaliyay xulkiisa halka goolka 4 aad uu Portugal udhaliyay Bruno Alves.

Sadexda gool ee Ronaldo ayaa ka dhigan in uu noqday ninka labaad ee ugu goolasha badan xulka Portugal kadib markii uu dhaafay Eusebio.

Ronado waxaa uu guud ahaan Portugal udhaliyay 43 gool halka Eusebio uu dhaliyay 41 gool, waxaana wali ka horeeya Pauleta.

Kulankii xalay ee Portugal iyo Northern Ireland waxaa laga saaray Hélder Postiga, Chris Brunt iyo Kyle Lafferty oo dhamaan casaan qaatay.
by abdikani

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com