Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Aabaha Dhalay Mesut Ozil Oo Niyada U Dhisay Arsenal, Kadib Ku Biiritaankiisii Mesut Ozil

Mesut Ozil(maantasomaliland):-Aabaha dhalay wiilka cusub ee kooxda Arsenal Mesut Ozil ayaa ka hadlay bandhiga wanaagsan uu sanadkaan uu soo bandhigi doono wiilkiisa Ozil

Mustafa Ozil oo ah aabaha dhalay Mesut Ozil ayaa ka shan qariyey in Ozil uu guulo la taaban karo uu u horseedi doono kooxda abaarta koob la’aan ay heyso ee Arsenal

Ozil ayaa todobaadkaan horaantiisa waxa uu ka soo tagay kooxda Real Madrid, kadib markii kooxda The Gunners ay kula soo wareegtay lacag dhan £42.5m, isagoona sidoo kale qalinka kula duugay heshiis shan sano ah.

“Marka aad daawato kubadaha uu abuurayo Ozil waxaan is dhihi karaa waxa uu guulo muhiim ah u horseedi karaa kooxda Arsenal” ayuu SKY Spotrs u sheegay Mustafa Ozil oo ah aabaha dhalay Mesut Ozil

“Arsenal waa koox weyn, laakiin aniga waxaan u rajeynayaa inay sandkaan guulo muhiim ah ay keeni doonaan” ayuu hadalkiisa ku sii daray Mustafa Ozil

Reer Ozil ayaa waxay aaminsan yihiin in abaarta koob la’aan ee heysata kooxda Arsenal ku dhawaad sagaal sano kadib ay koob qaadi doonaan

Wiilka muslimka ah ee dhawaan ku soo biiray kooxda Arsenal Mesut Ozil ayaa lagu wadaa inuu safto kulankiisa ugu horeeya 14-September, markaas oo ay la ciyaari doonaan kooxda Sunderland

by abdikani

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com