Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Kooxda Kubada Cagta Ee Barcelona Oo Sheegtay Inay Markaan Heli Karaan Agger

170554216AL00035_Preston_No(maantasomaliland):-Kooxda kubada cagta ee Barcelona ayaa sheegtay qaabka lagu heli karo kubad joojiyaha kooxda Liverpool Daniel Agger

Barca ayaa tilmaamtay in Liverpool ay dhawaan la soo saxiixdeen labo daafac oo kala ah Mamadou Sakho iyo Tiago Ilori, iyadoona mas’uuliyiinta kooxda Catalanica ay niyada ku dhisteen in Liverpool ay haatan ka iibin doonto kooxda Barca ciyaaryahan Agger

Agger ayaa waxa uu dookha sadexaad u yahay kooxda Barcelona, iyadoona ay ka horeeyaan labada daafac ee reer Brazil ee kala ah Thigo Silva iyo David Luiz

Thiago Silva ayaa dhawaan kooxdiisa PSG qandaraas cusub u saxiixay, halka David Luiz uu isna ka dhawaajiyey in uusan waqtigaan diyaar u aheyn inuu ku biiro kooxda Barca

Liverpool ayaa sanadkaan la soo wareegatay ciyaaryahano fara badan oo ay ku jiraan labada daafacyo oo kala ah Mamadou Sakho iyoTiago Ilori iyo Kolo Toure iyadoona ay horey u joogay Marin Skartel

Barcelona ayaa in muda ah daba taagneyd saxiixa daafaca kooxda Liverpool Agger, iyadoona aan la ogeyn haatan Liverpool inay ka iibin doonto kooxda Catalanica maadaama ay dhowr daafac ay haatan ku sugan yhiin kooxda

by abdikani

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com